Somali News
    Hees  

Murashax Saido Mohamed oo Mar kale kulan la qaadatay Haweenka Soomaaliyeed wadanka Finalnd (Sawirro)

Helsinki Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maalinnimadii shalay oo taariikhduna ku beegnayd 14.7.2012 ayaa waxay Saido Mohamed ay kulan la qaadatay Dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki Ee Caasimada wadanka Finland.

Iyadoona soo bandhigtay Aqoonteeda shaqsiyadeed qofka ay tahay, waxa ay baratay iyo heerka ay ka taagantahay Bulshada Somaliyeed Ee Ku Dhaqan Wadanka Finland, ayey ku sheegtay in ay tahay murashax u taagan doorashada golaha deegaanka magaalada Helsinki waxayna u sharaxan tahay xisbiga Kokoomus oo ah xisbiga ay ka midka yihiin Madaxweynaha iyo waliba Ra,iisal wasaaraha dalka Finland, waana xisbiga ugu awooda badan haddii loo eego magalaada Helsinki.

Kulankan ayaa waxaa xiriirinayey Deeqa Caydiid iyadoo ugu horayntii lagu furay aayadaha Qur,aanka kariimka, sidoo kale ay halkaasi ka hadleen Dumar fara badan oo ahaa dadkii ka soo qayb galay Xafladan waxaana kamid ahaa dumarki ka hadlay goobta.

Khadiija Ahmed Warsame oo ku hadlaysay afka Hooyooyinka Soomaliyeed ee ku dhaqan wadanka Finland, ayaa ku dheeraatay kalsoonida faraha badan ee ay ku qabto Saido Mohamed oo maanta u soo istaagtay inay isu soo sharaxdo doorashada golaha deegaanka magaalada Helsinmi, waxayna xustay Saido inay tahay qof uqalanta in la geeyo goobtaas, ayna aaminsantahay inay tahay gabadha waxbadan ka qaban karta Golaha Deegaanka Ee Helsinki, isla markaasna ay fursad gaar ah u sii tahay Dumarka Somaliyeed ee ku dhaqan Finland iyo dunida inteeda kale, maadaama ay heleen Gabar Soomaliyeed oo waxna uqaban karta diyaarna u ah inay tagto meel ay wax ka qaban karto, iyadoo kusoo gunaanaday hadal keedii in maanta ay garab ubaahantahay saido Mohamed , si ay iyana beri garab ugu noqoto bulshada Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Dumar badan oo kamid ahaa ka soo qayb galayaashi barnaamijka dhamanatoodna xusay inay Saido tahay qof loo baahnaa inay isu soo taagto xilkani , diyaarna ay uwada yihiin inay garab istaagaan gaar ahaan Dumar keena , waxayna ku booriyeen dhamaan haweenka maanta isu yimi iyo ku aan maanta goobta ku sugnaynba inay u istaagaan sidii ay ugarab istaagi lahaayeen walaashood Saido Mohamed.

Dhanka kale waxaa buraanbur murtiyu ku dheehan tahay kalaasi ka qaadayHodan Yuusuf Koomiko, iyadoo ku amaanaysay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Saido Mohamed oo ay ku tilmaantay Gabar dhalinyaro ah lehna aqoontii iyo dadnimadii ay how-shaasi ku gudan lahayd.

Murashax Saido Mohamed waxay dalka Finland soo gashay 1992 .waxayna ku dadaasho sidii aqoonteeda u kordhin lahayd iyadoo ay ka biloowday Dugsiga dhexe iyo kan Sare . oo ay ku dhamaysay Wadanka Finland, kabdina waxay sii wadatahay heer jaamacadeed oo Afar- sanno ah oo ay kuqaadatay shahaadada Special Nurse, Mikkeli University of Applied Science, sideedii sanno ee udanbeeyeyna Saido waxay u shaqeeyneysay Finnish League for Human Hights.
Saido Mohamed waa qof fir-fircoon oo kana dhex muuqata bulshada wadanka Finland iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa Sanadkii 2011 waxaa loo aqoon saday gabadha Ajaanibta wadanka Finland iyadoo wakhtigaasi la Gudoonsiiyey abaalmarinno laguna soo bandhigay inta badan warbaahinta Finland, isla sanadkii 2011 Saido waxaa ay soo gashay 100 dumarka ugu caansan wadanka Finland ( top 100 woman of Finland) oo ayna ka ahayd gabadha kaliya ee Afrikaanka ah. Sanadka 2012-14 Saido Mohamed waxaa loo doortay in ay ahaato guddoomiyaha ururka isku xirka Somalida iyo Finnishka oo ah (Finnish Somali Network ) oo ay ku midaysan yihiin ururada ka howl-gala dalka Soomaaliya kana fuliya mashaariicda horumarinta.

Murashax Saido Mohamed waxaa ka mid ahaa hadaladeedii , waxaana kamid ahaa walaalayaal Aniga waxaan ahay Gabar Soomaaliyeed oo walaashiin ah waxaan hortiina u imid in aad igu taageertaan codkiina , Anna waxaan balan qaadayaa in aan ka shaqeeyo danaha shacabka Soomaalideena Finland gaar ahaan maanta waxaan hortaaganahay Dumarki Somaliyeed oo aan kamid ahay taasina waxay ii samaynaysaa farxad gaar ah .
Anigu waxaan ka shaqeeyaa arrimaha bulshada oo waxaan haddana la shaqeeyaa ururada, waxaan ogahay baahi badan oo jirta oo ay u baahanyihiin in dad keena laga caawiyo qaasatan Haweenka , waayo waxaad ogtihiin Dumarka Somaliyeed dhibaatooyin badan oo haysta uma sheegan karaan ragga, hase ahaate marka ay gabar Soomaaliyed gaystaan halkaasi wax badan oo aad igula soo dhiiranaysaan ayaa jira doona , dhanka kalena anaaba idinka mid ah oo dareemaya dhibaatooyinka idin haysta, taasina waxay sahlaysaa inaan uwada shaqayno si wanaagsan.

Si Kastaba ha ahaatee Saido Moahmed ayaa tiri waxay maanta ii tahay farxad gaar ah maadaama aan la kulmay Haweenka Somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki, run ahaantiina tiro intan le,eg maanan filanayn inay imaanayso waxaadse ii muujisen dhiiri galin aan la qiyaasi karin, waxaana rajaynayaa inaad intiinanina igarab taagantihiin, inta inaga maqana aad idinku Wakiil ka tihiin, gaarsiina doontaan haddii alle -idmo.

Saido Mohamed ayaa ku cel celisay in ay balan qaadayso haddii ay ku guulaysto doorashada si cadaaladi ku jirto ay bulshada Soomaaliyeed ugu adeegi doonto , gaar ahaan Haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyed aan marwalba gaar ula socon doono maadaama ay yihiin dadka intabadan dhibaatooyinku ku haleesho.

Gunaandkii kulanka ayaa Haweenki ka soo qaybgalay waxay isku dhaafsadeed fikrado ay kaga doodayeen sidii Saido loo garab istaagi lahaa haddi illaah meeshaas geeyo ay iyadina oofin doonto wixii looga baahanyahay,waana kulankii ugu horeeyay oo ay saido Mohamed la qaadato Haweenka Soomaaliyeed ee Helsinki Finland iyadoo sidoo kale horayba ulla kulantay Ragga Soomaaliyeed ee Finland.





Maxamed Bashiir-Info
Helsinki-Finland

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)