Somali News
    Hees  

Madaxda Afrika oo maanta shir uga furmaya Adis Ababa iyo arrinta Soomaaliya oo shirka looga hadlaayo

Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxda Afrika oo maanta shir uga furmaya Adis Ababa iyo arrinta Soomaaliya oo shirka looga hadlaayo.

Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa ku sii qulqulaya madaxada Midowga Afrika halkaasoo la filayo in saacadaha soo aadan uu ka furmo shirkii sanadlaha ahaa.

Madaxweyanha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wfdi uu hogaaminayo ayaa ka mid ah wafuuda ka qeybgaleysa shirka maanta ka furmaya Adis Ababa kaa oo lagu falanqeyn doono xaaladaha qaarada.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Saciid Yuusuf Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka uu socon doono mudo laba maalmood ah isla markaana looga hadli doono qadiyadda qaaradda Afrika iyo mashaakilka ka taagan wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Gabagabada Shirka Maanta ugu furmayo Madaxda Afrika xarunta dalka Itoobiya ayaa la filayaa in ay qodobo muhiim ah laga soo saaro kuwaasi oo wax ka tari doono xaaladaha Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa noqon doona arinta Soomaaliya oo maanta si aad ah looga hadlayo, iyadoo Madaxweynayaasha Afrika intooda badan ay gaareen madasha shirka Adis Ababba.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)