Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif: "Odayaasha dhaqanka waxaan ku boorinayaa maadaama Xildhibaanadu wataan magacooda inay soo xulaan dad tayo leh"

Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif: "Odayaasha dhaqanka waxaan ku boorinayaa maadaama Xildhibaanadu wataan magacooda inay soo xulaan dad tayo leh"
 
Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay qudbad u jeediyay odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka codsaday inay dadajiyaan soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka cusub.

Madaxweynaha ayaa ku nuunxnuuxsaday inuu sii dhamaanayo waqtigii loogu tala galay qariidada nabada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay si looga gudbo kumeelgaarnimada in wax waliba lagu dhameeyo waqtigii loo qabtay.

Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in la gaaray xilligii dalka uu geli lahaa doorashooyin xor ah, isagoo carabka ku dhiftay in loo baahanyahay in la helo dowlad cusub oo taya leh.

"Waxaan joognaa dhamaadka Road-Mapka, waxaan joognaa xiligii aan samaynsan lahayn dastuur xor ah, waxaan joognaa xulustii Baarlamaanka, waxaan joognaa xilligii aan geli lahayn doorashooyin sax ah" ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku booriyay Odayaasha dhaqanka inay soo xulaan Baarlamaan Tayo leh oo ka bedalan kuwii hore.
"Odayaasha dhaqanka waxaan ku boorinayaa maadaama Xildhibaanadu wataan magacooda inay soo xulaan dad tayo leh" ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa xusul duub ugu jira sidii mar kale uu u noqon lahaa madxweynaha Soomaaliya, iyadoo waqtigiisa uu ku egyahay 20-ka Agost ee sanadkaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)