|
Soomaalida deggan Den Haag ee dalka Holland oo markii ugu horraysay samaystay urur islaami ah iyo masjid, waxayna bisha ramadaann ugu talogaleen barnaamijka soo socda:
Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Soomaalida deggan Den Haag ee dalka Holland oo markii ugu horraysay samaystay urur islaami ah iyo masjid, waxayna bisha ramadaann ugu talogaleen barnaamijka soo socda:
Magaalada Den Haag ama The Hague,waxay ka mid tahay magaalooyinka ay Soomaalidu ku badan yihiin,waxayna Soomaalidu nasiib u yeesheen dadaal badan kaddib in ay yeeshaan urur islaami ah iyo masjid,guddoomiyaha ururka Cadirizaaq Cali Geelle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Den Haag laga sameeyo urur islaami ah iyo masjid ay Soomaalidu maamulaan,waxaana ku rajo weynnahay Rabbi idankii,in waqtiga soo socda uu ururka iyo masjidkaba la ballaarin doono.
Bisha barakaysan ee ramadaan 1433 ee hijriyada ah,wuxuu masjidka ugu talogalay in duruus iyo muxaadarooyin joogto ah laga sii daayo, inta lagu dhex jiro bisha ramadaan,iyadoo barbar socoto salaadaha shanta ah iyo taraawiixda iyo khudbada jimcaha oo dhammaan ay mas’uuliyaddaasi qaadi doonaan dad Soomaali ah oo ehel u ah umuurahaasi.
Dersiga ka bixi doona masjidka waa sida soo socda:
Sabtida,saacadda markay tahay 11:00 ilaa salaadda duhur,waxaa haweenka la baraya: carabiga iyo tajwiidka qur’aanka,waxaana iska kaashanaya macallimiinta kala ah:Saalim iyo Maxamed Cusmaan,duhurka kaddibna,waxaa jira dersi diini ah,waxaana soo jeedinaya macallin Saalim,casarka kaddibna waxaa la galaya kitaabka arbaciinka,waxaana akhrinaya sheekh Maxamed Xuseen (Maxamedeyn).
Axadda,saacadda markay tahay 11:00 ilaa salaadda duhur,waxaa haweenka la baraya: carabiga iyo tajwiidka qur’aanka,waxaana iska kaashanaya macallimiinta kala ah:Saalim iyo Maxamed Cusmaan,duhurka kaddibna,waxaa laga hadlaya barbaarinta islaamka,waxaana loogu talogalay carruurta,waxaana ka qayb qaadanaya macallimiinta dugsiga oo ay ka mid yihiin:Saalim,Bashar, Maxamed Cusmaan, Negeeye iyo Saciid,casarka kaddibna waxaa la baranaya afka carabiga,waxaana macallin ka ah:Daahir Macallin (Dhaaha).
Isniinta,duhurka kaddib waxaa laga sheekaynaya siirada nebiga sallallaahu caleyhi wasallama,waxaana ka hadlaya:macallin Maxamed Cusmaan,casarka kaddibna waxaa la galaya kitaabka fiqhiga ah ee Al-Wajiiz iyo sheekh Maxamed Xuseen.
Talaadada ama salaasada,duhurka kaddib,waxaa jira dersi diini ah waxaana galaya macallin Maxamed Cusmaan,casarka kaddibna wuxuu macallin Saalim dadka uu baraya tajwiidka qur’aanka.
Arbacada,waxaa la galaya usuuluthalaatha,waxaana akhrinaya sheekh Maxamed Xuseen,casarka kaddibna waxaa jira tafsiirka qur’aanka,waxaana galaya fadiilata sheekh Suldaan.
Khamiista,duhurka kaddib waxaa la baranaya afka carabiga iyo naxwiga, macallinkana waa Daahir Macallin (Dhaaha),casarka kadibna waxaa la baranaya fiqhul cibaadaat,waxaana soo jeedin doono fadiilata sheekh Suldaan.
Jimcaha,waxaa khudbada akhrinaya sheekh Maxamed Xuseen,casarka kaddibna waxaa la baranaya afka Hollandeeska,waxaana macallin ka ah Yuusuf Cabdi Maxamed (Yuusuf Bile).
Rabbi,waxaan ka baryayna in uu naga aqbalo cibaadooyinka oo dhan,adduunka iyo aakhiradana uu wanaag nagu siiyo…..... Amiin
Maxamedeyn
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|