Somali News
    Hees  

Tartankii Kubadda Cagta Magaalada Orebro

Örebro Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Waxaa maanta Magaalada Orebro ee bartamaha Sweden lagu qabtay tartankii kubadda cagta dhalinyarada 12 jirka ah, ee xiliga xagaaga kaaso ay isla soo qaban qaabiyeen Urur Weynaha Africsom Horn Kultural Center iyo dhalinyarada Magaalada.

Tartanka oo bilowday 10kii subaxnimo socdayna illa fiidki saacadda 21.00,waxaana ku hardamay 8 koox oo ka kala yimid Magalooyinka Orebro oo ahaa saddax koox,Ludvika,Flen,Katarine holm,Kumla iyo Koping,ayado ay dhax dhaxadinayen dhalinyaro xirfadda Garsooraha ku taqasusay sida Zakariya,iyo Cali.

Daawashada waxa ka soo qeyb galay Odayasha Magaalada Orebro, oo ay ka mid ahayeen Xildhibaan Yuusuf Cabdo,Cabdulqadir Aadan Kadinle,Xarbi Caamir,Kulmiye Muuse,Muxiddin Cabdi iyo Maxamad Cawil, tageerayaal ka kala yimid magalooyinka ay ka kala yimadeen tartamayaasha iyo dadweynaha xiiseya cayaaraha.

Waxi la hardamaba waxa isu soo haray kooxihi ku cayaarayay magaca Orebro2 ,Flen,Koping iyo Kumla.

Waxa cayaar fiican soo bandhigay dhalinyaradi ku cayareysa magaca Flen,waxaana ka dhax muuqday Kadiye oo wacdaro dhigay,sidaaso kale willka dhalinta yar ee Cabdikhalaq Cabdullahi oo Orebro ka socday cayaar dadkii u soo daawasho tagay qancisay ayuu soo bandhigay.

Gabaqabadi waxa isu soo haray kooxihi ka kala socday Kumla iyo Koping guushina waxa hantay Koping oo 3 iyo 2 ku garaacay Kumla.
Koobki waxa guddonsiyay kooxda Koping Xarbi Caamir xubin Ururka Afric horn kultural center wuxuuna dhalinyarada ku gubaabiyay iney xoojiyan oo ay laba jibaran kaalintoda ku aadan ka qeyb galka noocyada kala duwan ee sportiga,isla markaana wuxuu ka dalbaday waalidinta iney gacan ka geystan horumarinta iyo abaabulka sportiga.

Waxa Mahad gaar ah loo celinaya dhalinyarada qaban qaabada hirgeliyay oo ay ka mid yihiin Cabdirashid Daahir,Saalim Bakar,Abuukar Cabdislam Shekh,Cali Aadan Shekh iyo Cabdinaasir Maxamad.












Waxaa diyaariyay
Hassan Osman Orebro

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)