|
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo booqday Matabaan iyo Geedi Jir
(Daawo Sawiro)
Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo booqday Matabaan iyo Geedi Jir
(Daawo Sawiro)
Wafdiga ka socdo xisbiga Dadka ee uu hogaamiyay Musharaxa Prof,
Saciid Ciise Maxamud oo dhawanahaan kusugnaa goboladda Dhexe ee
Soomaaliya ayaa lugtooda ugu danbeysay ee booqashada waxa ay ku tageen
deegano dhowr ah.
Deeganadda ay tageen waxa ka mid ahaa degmadda Matabaan Garoore ee
gobolka Hiiraan halkaasi uu kula kulmeen maamulka degmada oo uga
warbixiyey xaaladda guud ee ku sugan tahay deeganadda ay maamulan oo
ay sheegeen iney amaan tahay.
Taliyaha Amniga Yacquub Maxamed Cali ayaa sheegay iney taagersan
yihiin musharaxa Prof, Saciid Ciise Maxamud iyagoona ka codsaday hadii
uu guuleysto iyo hadii kaleba inuu wax ka qabto xaaladda deeganaddan u
kasoo jeedo.
Wiilo Maxamud Colow oo ku hadlaysay magaca haweynka Matabaan ayaa
sheegtey iney soo dhaweynayaan Musharaxa waxaana ay ka codsatey in uun
u raadiyo gobolka sidii loo heli hormarin lahaa xaga arimaha guud ee bulshada.
Prof, Saciid Ciise Maxamud oo ah gudoomiyaha xisbiga Dadka oo la
hadlayay dad faro badan oo iskugu soo baxay in magalada Fagaare ku
yaal Matabaan ayna tahay magalooyinka ugu faca wayn balse aysen waxba
u qaban dowladihii jirey, Sidaas daradeedna ay tahay in shacabka reer
Matabaan isku tashtaan ayna dhistaan degmada.
Sidoo kale Xaflad si wayn loo soo agaasimey, aheedna tii ugu
balaraaneed ee ebid ka dhacdo deegaanka Geedi Jir ayaa waxa lagu soo
dhaweyay musharaxa Prof, Saciid Ciise Maxamud iyadoona ay boqolaal
dadweyne ah iskugu soo baxayn.
Gudoomiyaha Xigeenka Degaanka Geedi Jir Macalin Maxamud Xaashi
ugu horeyntii xafladda ka hadlay ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan
yihiin in musharaxa uu soo booqday isla markaane ay ka codsadeen in
waxyaabaha muhiim-ka ah eesan haysan una baahan yihiin in laga caawiyo
sidi ay u heli lahayeen.
Afhayeenka guddiga deegaanka Cali Isxaaq Tarabi oo ka hadlay
xafladda ayaa sheegay iney aad u farax galisay inoo soo booqday shaqsi
u sharaxan xilka madaxtinimada Soomaaliya uuna indhihiisa kusoo arko
xaaladda Geedi Jir oo sheegay iney u baahan yahay in wax laga qabto
lagana dhigo Degmo.
Musharaxa Madaxtinimada Prof, Saciid Ciise Maxamud oo la hadlayay
dadweynaha faraha badan ee isku soo baxa sameyay ayaa sheegay in Geeri
Jir u qalantey in laga dhigo degmo maadama ay aad u baraalan tahay,
isagoona u balan qaaday in degmo uu u magabi doono hadii uu ku
guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa booqadashiisa goboladda dhexe ayaa
is badal wayn waxa ku sameyneesa muuqaalka siyaasadeed ee gobolkan
muddo badan ka jireen dagaalo, wax muuqaal
siyaasadeedna uusan laheen.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|