|
Xildhibaan Ghedi: "Axmed Ismaaciil Samatarow Aadan Yabaal u soo aroor abaalna kuuma erganee"
Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Haddii aan yara isku dayo in aan u jilciyo akhristayaasha ciwaanka kor ku xusan ee maqaalkaan, boqol (100) sano ka hor inta badan deegaanada Soomaaliya, gaar ahaan baadiyaha beeraleyda iyo xoola dhaqatadu ku noolaan jireen, waxaa ka jiri jiray biyo la'aan ba'an, iyadoo ku tiirsanaan jiray ceelal-gacmeedyo oo lagu qasbanaan jirey in loo maro masaafooyin aad u kala fog-fog, deegaanada qaarkoodna xilliga biyo aroorka looga yiqiin magacyo ay ka mid ahaayeen galab-aroor iyo sedex (3) subaxley iwm.
Xilligaas biya la'aanta aad loogu dhibbanaan jirey, waxaa jiri jiray "Nin" deegaan uu ka talin jiray ceel-biyood ku yaal, uu dadka iyo duunyada ooman marka ay yimaadaan ceelkaas ayuu aad ugu xad-gudbi jiray oomanayaasha (abuse).
Ninkii ceynkaas ahaay, waxaa ka xumaaday ceelkii uu oomanayaasha ku dhibi jirey, markaasuu u aroorey ceel la yiraahdo " Aden Yabaal", markii ay reer Aaden Yabaal arkeen, ninkii biyaha ku dhibi jiray ,marka ay biyo u doontaan ceelkii uu ka talin jiray, asagoo ceelkoodii u sii arooraaya, ayeey waxay ninkii ku dheheen " Aaden Yabaal u soo aroor abaal-na kuuma arganee".
Haddaba Prof. Axmed I. Samatar oo af-lagaadeyn amba dhaleeceyn jiray dowlad kasta ee KMG ah ee Soomaliya ka dhalata, laga soo billaabo tii Dr. Abdiqaasim Salaad Hassan, midowgii Maxaakiimta, dowladdii Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed iyo tan hadda jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Ahmed, ayaa dhowaan ku dhawaaqey inuu musharax u yahay madaxtinimada dalka ee bisha Agosto 2012.

Su'aasha aan is-weydiinaayo, waxay tahay sideebuu Professor-ku u maareyn-doonaa mucaaradyada faraha badan ee kaga imaan doonna taageerayaalka maamulladii uu horey Professor-ku u af-laagaadeyn jiray laga soo billaabo dowladdii Dr. Cabdiqaasim ilaa tan hadda ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Ahmed?.
Waxaan shaki ku jirin, Mar haddii uu Axmed Ismaaciil Samatar is-keeney masraxa siyaasada, inay ka hor imaaneyso oraah-dii aheyd Aaden Yabaal u soo aroor amaalna kuuma ar-geneyn.
Dhinaca kale, su'aasha masraxa siyaasada Soomaaliya ugu xooggan ee aadka loo hadal haayo muddooyinkaan dambe, waxay tahay xilliga kala guurka ah ee fooda inagu soo haaya Soomaaliya maka dhici-doontaa doorasho ku saleysan xaq iyo caddaalad ( fair and free election?).
Su'aashaan shakiga leh, waxaan filaayaa inay keentay DFKMG ah ee hadda dalka ka talisa, ayaa lagu arkey waxyaabo dhowr ah oo aanan caadi aheyn, waxyaabaha aanan caadiga aheyn ee lagu arkey dowladaan uu hoggaamiyo Madaxweyne (3 Sh. ), ayaa isugu jira kuwo xun iyo kuwo fiican ( negative & positive).
Haddii aan labo ilaa seddex (2-3) ka xuso waxyaabaha aad loola yaabay waxaa ka mid ah:-
1) Inla la laalo baarlamaan ka koobney 550 xildhibaan, misana la yiraahdo xukuumad KMG aheyd ayaa sii shaqeyneysa.
2) In dhinac leyska dhigo Dastuurkii uu guddiga madax-bannaan uu soo diyaarinaayay seddeed (8) sanadood ka badan ee lagu bedelo Dastuur ay khayaano ku dhex jirto (fraudulent constitution).
3) In masiirkii dalka oo dhan gacanta loo geliyey Saxiixayaal ( signatures) tiro yar oo marna lagu sheego lix-xubnood (6), marna lagu sheego todobo xubnood (7), balse anigu aan rumeysanahay inay yihiin 6. 05 ( six point 5) xubnood oo uu .o5 ku, ka awood badan yahay lixda kale, iyadoo ay xubnahaas kale yihiin:-
1) Shariif Sheikh Ahmed, Madaxweynaha DFKMG ah.
2) Shariif Hassan Sheikh, Guddomiyihii hore ee Baarlamaanka.
3) PROF. Abdiweli Mohamed Ali Gas, R/W. DFKMG ah.
4) Dr. A/rahman Sheikh Moh'oud, Madaxa maamul goballeedka Puntland
5) Col. Moh'ed Ahmed Alin, Madaxa maamulka Gal-mudug
6) Ahlu Sunnah Wal Jameecada goballada dhexe.
iyo
.05 oo ah Ambassador Augustine P. Mahiga, maadaama uusan Soomaali aheyn, laakiin waxay siyaasiin badan oo Soomaali ah aminsan yihiin inuu ka awood badan yahay lixda (6) xubnood oo kale, iyadoo mararka qaarkood loo qaato inuu asagu xukumo Soomaaliya ( Somali ruler), meesha uu .5-ka beelaha Soomaliyeed uu ka yahay dhibane (victim).
Haddii aan labo iyo seddex (2-3) ka soo qaato, waxyaabaha wanaagsan ee qabsoomey muddaddii 3 iyo barka ahaay ee ay jirtay dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne 3=Sh., waxaa ka mid ah:-
1) Labaatan (20) sano ka dib guulaha wax ku oolka ah ee aay gaareen ciidamada qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka xogga dalka, kuwa Amisom iyo kuwa dowladaha deriska.
2) Labaatan (20) sano ka dib rajo nabaddeed ku soo noqotay shacabka Soomaaliyeed gudaha, dibada iyo barakacayaashii gudaha dalka u barakacey oo dib ugu soo labtay dhowr gobal iyo deegaanaddii dhowaan laga xorreeyey kooxihii Diinta ka been sheegi jirey, dhowr magaalo oo ka soo kabanaaya burburkii gaarey sida caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
3) Waa talaabo soo dhoweyn mudan in xilligan kala guuka ah masiirkii dalka gacanta loo geliyo odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed, laakiin su'aashu waxay tahay odayaalka la soo xareeyey ma yihiin kuwii saxda ahaay?, su'aasha kale waxay tahay odayaalka la soo xareeyey, wax kasta maka hor-marin doonaan danta beelaha ay matelaan iyo tan qaranimada Soomaaliyeed oo uu qof kasta oo Soomaali ah uu u ahay dhibane, mise waxay noqon doonaan caada-qaatayaal laaluush aruursada?.
Xildh. Mohamoud Ghedi AW Hilowle Xilqaad12@hotmail.com Nairobi, Kenya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|