Somali News
    Hees  

Al-Shabaab oo guulo ka sheegay dagaalo ka dhacay gobolada Dalka qaarkood

Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Al-Shabaab oo guulo ka sheegay dagaalo ka dhacay gobolada Dalka qaarkood.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka howl galada ee xarakada alshabaab ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolada dalka qaarkood kuwaasoo dhexmaray iyaga iyo ciidamada huwanta.

Afhayeenka Sheekh C/casiis Abuu Muscab waxaa uu daboolka ka qaaday inay qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen ciidamada Dowlada kadib markii ay ku weerareen habeen hore fariisin ay ku leeyihiin duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose

Afhayeen Abuu Muscab waxaa uu sidoo kale sheegay inay ku guuleysteen inay gabi agaanba bururiyaan keyd hub oo ciidamada Dowlada u yiilay meel ku dhow Afgooye isagoo intaasi ku daray in halkaas uu dab ku qabsaday hub iyo rasaas keydsanaa.

"Keydka hubka ee aan dabka qabadsiinay gabi ahaanba wuu bas beelay"ayuu yiri Afhayeen Abuu Muscab

Waxaa kale uu afhayeenku sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka Abaq-galoole oo ku yaal duleedka Degmada Xudur ay halkaaasi waadada ugu galeen ciidamada Itoobiya oo sida uu sheegay mudo ka xaninaa xudur sidii ay u yimaaden islamarkaana ay xoogaga alshabaab wadada u galeen markii ay ogaadeen inay soo baxeen.

"Tan iyo markii ay soo degeen Degmada Xudur cadowga xabashidu waa ku go'doosanaayeen, meelna uma dhaqaaqin, xitaa Isgaarsiinta ayay damiyeen, si aan loo ogaan xiliyada ay dhaq dhaqaaqa sameynayaan balse Mujaahidiinta waa ka war heleen, markii ay soo baxeen ayay jidka u galeen, dhowr jeer ayaana dagaalka la isku noqsaday khasaare xooggana ayaan gaarsiinay"ayuu yiri Sheekh C/casiis abuu muscab

Waxaa kale uu sheegay afhayeenku inay baabuur dagaal nuuca towga loo yaqaaan ka gubeen ciidamada amisom gaar ahaan kuwa burindi kuwaasoo marayay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye markii ay wadada ay u galen kolonyo gaadiid ah, wuxuuna Afhayeenka ayaa sheegay in dhamaan weerada ay qaadeen ay ku qaarajiyeen kuna dhaawaceen askar isugu jira kuwa Dowlada Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye ee kaabaya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)