Somali News
    Hees  

Taliska AMISOM oo Al-Shabaab ugu baaqday inay hubka iska dhigaan

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Taliska AMISOM oo Al-Shabaab ugu baaqday inay hubka iska dhigaan

Abaan duule ku xigeenka ciidamada AMISOM ahna taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Col Pawel Locej oo saxaafadda la hadlay ayaa kadalbaday dhalinyarada u dagaalanta Xarakadda Al-Shabab inay isku dhiibaan dawlada oo ay hubka dhigaan.

Col Pawel Locej waxaa uu sheegay inay wadaan qorshe ay ku dooonayaan inay Soomaaliya ku nabadeeyaan waxaana uu sheegay inay ka doonayaan dhalinyarada u dagaalantaShabab inay hubka dhigaan oo ay nabada qaataan isla markaana isku dhiibaan dawlada.

Pawel Locej waxaa uu tilmaamay in Al-Shabab aysan marnaba ka hor istaagi Karin hawlgalka ay doonayaan inay Soomaaliya ku nabadeeyaan waxaana uu intaa ku daray inay hawl galadooda gaarsiin doonaan gobolada ay hadda Shababku gacanta ku hayaan.

"Fariintayda waxa ay tahay in dhalinyarada Shababku hubka iska dhigaan marka ay na arkaan mana dili doono ee waan xanaaneyn doonaa" ayuu yiri Col Pawel Locej oo ah amaan duule ku xigeenka AMISOM iyo taliya ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga.

AMISOM ayaa sidaan oo kale dhawr jeer ugu baaqay dhalinyarada Al-Shabab inay hubka iska dhigaan, Ciidamada midawga Africa ee AMISOM ayaa hadda wada dagaalo ay kula jiraan kywa Xarakadda Al-Shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)