Somali News
    Hees  

Hoggaanka sare Ururka Midowga Afrika oo loo doortay Haweeney

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Hoggaanka sare Ururka Midowga Afrika oo loo doortay Haweeney

Hogaamiyaasha Ururka Midowga Afrika ayaa xalay u doortay qof dumar ah in ay Hogaan u noqoto Ururka Midowga Afrika, taasoo ah wasiirradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo dhowr wareeg oo doorasho ah kaga guleysatay Gudoomiyahii Midowga Afrika, Jean Ping oo u dhashay dalka Gaaboon.

Mrs:Dlamini-Zuma oo 63-jir ah ayaa kaga guuleysatay Jean Ping 37 Cod kaddib afar wareeg oo doorasho ah, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo haweeney ay hoggaanka ururka qabato tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1960-kii.

"Hadda waxaan doorannay Madame Zuma oo hoggaamin doonta mustaqbalka ururka Midowga Afrika," ayuu yiri madaxweynaha Benin, Thomas Boni Yayi, iyadoo shir-guddoomin doonta kulanka hadda socda ee Midowga Afrika.

Guddoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika oo ahayd xaaska madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma. Waxayna horay u soo qabatay wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka caafimaadka iyo hadda oo ay tahay wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynayaasha Afrika oo ka hadlay sida ay u arkaan guusha ay gaartay Zuma ayaa ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, waxaana madaxweynaha Uganda oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii hadlay uu sheegay in Zuma ay tahay haweeney xorriyadda dalkeeda u dagaalantay aysanna ahayn qof cunsuriyad ah.

Guddoomiyihii hore ee ururka Midowga Afrika, Jean Ping ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee xilka kaga guuleysatay, isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono uuna ku faraxsan yahay inay xilka kala wareegto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)