Somali News
    Hees  

Howgaladii ka dhanka ahaa ee burcad badeeda oo la sheegay inuu hoos u dhac ku yimid

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Howgaladii ka dhanka ahaa ee burcad badeeda oo la sheegay inuu hoos u dhac ku yimid

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hay’ada Bad mareenada Caalamka IMB ee Magaalada KUALA LUMPUR ayaa waxaa lagu sheegay in 54% ay hoos u dheceen Weerarada Burcad Badeeda ilaa iyo Bilaawgii Sanadkan.

Sidookale Warka ay soo saartay Hay’ada Bad mareenada Aduunka ayaa waxa ay ku shaacisay in Burcad Badeeda Bishii Janaury ee Sanadkan ilaa Bishii hore ee June ay qaadeen 177 Weerar oo ay ku Qafaasheen 20 Maraakiin ahiyo Shaqaalihii saarnaa

"Afduubka Burcad Badeeda waa uu yaraaday ka hortagis ayaa la sameeyay waxaana aan kuraja weyn nahay inay intaasi ka sii fududaan doonaan Qafaalkii ay sameyn jireen "ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Hay’ada Bad mareenada Caalamka ee IMB oo ku yaala Caasimada Malesia ee Kuwaalalambuur

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)