Somali News
    Hees  

Eritrea oo la ogaaday inay joojisay taageeradii Milatery ee ay siin jirtay Xarakada Al-Shabaab

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Eritrea oo la ogaaday inay joojisay taageeradii Milatery ee ay siin jirtay Xarakada Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saareen guddiga Q,M u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta hubka ee saaran wadamo Soomaaliya ka mid tahay ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay aydawlada Eritrea joojisay taageeroay siin jirtay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Sida ku qoran warbixintaan oo ay manta qortay wakaaladda wararka Reuters baaris ay gudigaan sameeyeen ayaa waxay ku sheegeen in xukuumadda Asmara ay hakad galisay taageeradii dhinaca hubka ahaa ee ay siin jirtay dhaq dhaqaaqa Al-Shabab kadib markii ay Q,M cadaadis saartay.

Warbixinta waxaa lagusheegay in dawlada Eritrea si tar tiib tar tiib ah u joojisay taageerada ay ku bixin jirtay dagaaladda Soomaaliya oo ay si gaar u siin jirtay dagaalyahanada Al-Shabab oo Soomaaliya kula dagaalama ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ee dawlada taageera.

"Baaritaanadii ugu dambeeyay waxaay muujinayaan in dawlada Eritrea aysan muddo sanad ah siin Al-Shabab wax taageero ah inkastoo shaqsiyaad Eritrean indho gooni ah lagu hayo" ayaa laguyiri warbixinta aysoo saareen gudiga kormeerayaasha Q,M.

Dhawaan cuna qabatayn ayaa la saaray 2 ruux oo udhashay wadanka Eritrea kuwaasoo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin shaqsiyaad taageera Al-Shabab.

Eritrea Q,M horey waxay ugu eedeysayinay taageero dhanka ciidamada ah siiso Xarakadda Al-Shabab taasoo keentay in la cuna qabateeyo xukuumadda Eritrea sanadii 2009, Madaxda dawlada Eritrea waa ay iskadiidaan inay Shababka taageeraan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)