|
Wadahadal Gobolka Gedo uga socda Sh. Aw-libaax iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan iyo hormaro laga sameyay
Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Wadahadal Gobolka Gedo uga socda Sh. Aw-libaax iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan iyo hormaro laga sameyay
Waxaay ahayd bartamihi usbucaan marki uu gobolka Gedo garay Hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax islamarkana siweyn logu soo dhaweyay.
Socdaalka Hogaamiyaha aya waxaa uu ku qotomay in bulshoweynta gobolka gedo uu u macneeyo heshiis bishi hore lagu saxiixay Magaalada Nairobi kaas oo bilow u ahaa Geedisocodka Nabada Gobolada Jubboyinka Iyo Gedo waxaa sido kale ku laman sanaa in Sh. Maxamed Aw-libaax u heshiiskaas iyo tubta nabada Jubbland uu ka soo dhaadhiciyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo asagu ka tirsan Xildhibanada Barlamanka Somalia isla markana sameynta ku leh Gobolka Gedo bilowgi wadahadalada Nairobi na ka biyo diiday.
Hogaamiya Ahlusunna ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qatay bulshada Gobolka Gedo waxaana uu ku qanciyay in ay taageeran mabaadiidi lagu garay Magaalada Nairobi ee dhigaysay in Maamul lo dhanyahay lo dhiso Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Intaasi ka dib Sh. Awlibaax waxaa uu wada hadal la bilabay Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo asagu bilowgi hore ee Wadahadalada Jubbaland ka biyo diiday, wadahadalka Hogaamiyaha Ahlusunna iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan aya waxaa uu qatay mudo 3 cisho ah waxana ila iyo imanka la isla fahmay qodobo badan.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Adaan aya waxaa uu qabayin 6da gobol ee Konfur galbed Somalia la is raciyo isla markana lo dhiso Maamul mid ah balse wadahadalo maalmo qatay ka dib waxaa Xildhibaanka lagu qanciyay in Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo kaliyah la is raaciyo madaama bulshada dagta 3 daas gobolka ay is ogoshahay.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu dhankisa dalbaday in Shirarka ka socda Nairobi ee lagu dhisaayo Maamulka Jubbaland lo soo raro gudaha Somalia islama markana Maamulka Jubbaland u noqdo mid ka dasha gudaha Somalia.
Sida aan xogtaan ku helnay waxaa socda wadahadal ku sabsan qodobka ah in gogosha geedisocodka nabada Jubboyinka iyo Gedo lo soo raro gudaha Somalia iyo qodobo kale waxana la sadaalinaya in ay qataan maalmo kale ka dib hadi ay labada Masuul islafahman dhaman qodobada laga wada hadlay waxaay guul u noqonaysa dadaalka lagu doonayo in Maamul lo dhanyahay laga dhiso Jubbaland.
—————————
Nuur M. Caynte, Nairobi/Kenya
Ainte@yahoo.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|