|
Dalka Jarmalka Hooyo 48 Jira Una Dhalatay Wadanka Polan oo Xabsiga Loo Taxaabay Ka Dib Kolkii Gaarigii Ay Wadatay
Bonn Isniin 16 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dalka Jarmalka Hooyo 48 Jira Una Dhalatay Wadanka Polan oo Xabsiga Loo Taxaabay Ka Dib Kolkii Gaarigii Ay Wadatay
Laga Helay Jaad Culeyskiisu Ahaa 750-Kg Laguna Qiimeeyay 175.000 Euro:- Daawo Sawirada
Ciidamada Ilaaliya Xuduudaha ee Dalka Jarmalka ayeey u suurta gashay in ay joojiyaan Baabuur Marayay Wadada isku xirto Jarmalka iyo Dalka Denmark,ka dib kolkii ay Ishoodu Qabatay Baabuur loo soo raray si aan caadi ahayn,kolkii ay wadada ka saareen Gaarigaasi ayaa waxaa Wade ka ahaa Hooyo 48 jira una Dhalatay Wadanka Polan,kolkii ay Ciidamadu Baareen Gaarigaasi waxa ay ka Heleen Jaad Culeykiisu Ahaa 750-Kg, mid ka mida Ciidamadii Qabtay Hooyadaasi Ayaa Si Kaftan ah u yiri Miyaad Nacday Naftaada,maadaama Gaarigaasi u rarnaa si ka baxsan sharciga u degsan gawaarida xamuulka qaada.
Muddo yar kadib Hooyadii Waday Gaariga Jaadka lagu qabtay waxaa loo dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe,Gaarigii Jaadka ay ku wadayna waxa ay Ciidamada Jarmalku ku Rogeen Gaari weyn oo ah nooca Xamuulka Qaada sida aad ku aragtaan sawirka.
Sarkaal u Hadlay Ciidamada soo qabtay Jaadka ayaa Saxaafada u sheegay haddii ay Hooyadaasi u suurta geli lahayd in ay jaadkaasi geeyso halkii ay kuwaday oo ahaa Wadamada Denmark iyo Sweden waxa qiimihiisu uu noqon lahaa lacag dhan 175.000 oo Euro,Sarkaalka u hadlay Ciidamada Poliska ee Dalka Jarmalka ayaa waxa uu yiri Milkiilayaasha iska leh Jaadadka loo soo Dhoofiyo Wadamada Denmark iyo Sweden,kolkii ay ogaadeen in darawlo badan oo Somaali ahi ay Xabsiyada ka buuxaan ayeey ku bedeleen kuwo Ajaaniiba oo weliba ah Haween si ay ugu meelmarto ganacsigooda jaadka la xiriiro ayuu sarkaalkaasi hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.
FOTO: MICHAEL ARNING
Cabdirashiid Shaam
Somaliweyn Media Center Germany
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|