|
Munaasabad lagu maamuusaayey furitaanka Masjidka Raxma oo ka dhacday degmada kaaraan ee gobolka Banaadir
Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaafadda nageele ee degmada kaaraan ayaa waxaa si rasmi ah looga hirgaliyey Masjid loogu magac daray *Masjidul raxma*, kaasi hawshiisa ay socotay muddo dhowr bilood ah .
Munaasabad lagu maamuusayey furitaanka Masjidka raxma, ayaa waxaa kasoo qeyb galay culuma,udiin iyo dariiqooyinka oo ay ka mid ahaayeen 1)dariiqada rufaaciya 2) dariiqada qaadiriya 3) dariiqada saylaciya waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa Sheikh cabduraxmaan axmed maxamed balfaghi gudoomiye ku xigeenka majmaca dariiqa suufiya sh cali cuma abati binfaghi sh cali xaaji maxamed guddoomiye ku xigeenka golaha shuurada culumada aalufaqiih eng masjidka dhisay eng maxamed axmed faqay sh abanuur imaan nuur cabdulqaadir sh nuureyni (abanuur) naaibka dariqada rufaaciya sh saalim cumar xaaji weli sh caydaruus cumar weli sh shaacir cumarweli iyo mashaaiq kale oo fara badan waxaa ugu hoeyntii lagu furay ama la aqriyey quraanka kariim ka ka dib waxaa meesha nashiidooyin ka qaaday gudoomiyaha dariiqada rufaaciya sh cabduraxmaan xaaji axmed iyo ardaydissa markii dhamaatay qasiidooyinka iyo saliga nebiga waxaa ka dib lagu soo dhoweeyey sh cali xaaji maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka golaha shuurada culamada reer aalu faqiih isagoo sheegay masjidka goortii la dhisay ay aheed 1972 isagoo ah markaas hal dabaq waxaa ka dib la dhisay 1991 markale hadaana ugu dambayntii waxaa la dhisay 2012 isagoo laga dhigay laba dabaq oo isla markiiba ku dukan karaan ilaa iyo 1000qofood isagoo halkaas ka sheegay faadida ay leedahay ninkii dhisa masjid wuxuu akloo sheegay in wax laga qabto oon lagu cayaarin bayd ka allae oo laguu dadaalo nadaafadiisa uqidmayntiisa dhammaan inta ku abtirsata Tiirarta Islaamka, iyadoo dhismaha Masaajidada uu ku tilmaamay mid dhiirigelin ballaaran siinaysa inta jecel inay maanta yagleelaan Masaajido kale oo ay yeeshaan Muslimiinta ku nool muqdisho iyo caalamka iyo nawaaxigeeda ALLANA (SWT) uu maalinta yawmul Aakhiro ka abaal marinayo.
Sidoo kale Mas’uuliyiintii muftaaxa Masjidka raxma oo ugu dambayntii lagu wareejiyey furihii masjidka isagoo ugu mahad celiyey alaha subxaana wata caala iyo qofkii masjidkaas dhisay ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen, sh abanauur imaan oo ka hadlay baari u ahaansha labada waalid eeku dhalay oo la rabo in aadu samo fashid.
 
 
w.d weriyaha ahlasunna waljameeca
ahna gudoomiye kuxigeenka majmaca dariiqa suufiya
dr.ali omar abati binfaghi
email dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|