Somali News
    Hees  

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ka Tacsiyeyanaya Geeridii Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyn

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Tacsi Qaran: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ka Tacsiyeyanaya Geeridii Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyn

Innaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Muqdisho, July, 16, 2011------ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janadii geeyo Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo maanta Qarax miino kula geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadu ayaa sheegay iney aad saaxiibo u ahaayeen Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo uu sheegay iney Xukuumadii hore ay iskala soo shaqeeyeen, oo ay safaro wada galeen.

“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeriduwaa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuuJanadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

-----Dhamaad----

Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)