Somali News
    Hees  

Booliska Uganda oo ka digay weeraro dalkaasi Al-Shabaab ka geystaan

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Booliska Uganda oo ka digay weeraro dalkaasi Al-Shabaab ka geystaan

Boliska Uganda ayaa ka digay Qaraxyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ka geystaaan Wadanka Uganda gaar ahaana goobaha dadku ku kulmaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda oo la yiraahdo Xasan Kasingye ayaa ka sheegay magaalada Kampala in dadka reer Uganda looga baahan yahay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan sababo uu ku sheegay inay suurto gal tahay in rag ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ay weeraro ka geystaan wadankaasi meelo ka mid ah.

Xasan Kasingye waxaa uu tilmaamay in xog ay heleen ay muujinayso in Shababku maleegayaan weeraro la mid ah weeraro ay horey magaalada Kampala uga geysteen waxaana uu intaa ku daray inay suurto gal tahay in meelaha dadku iskugu yimaado lagu xiro waxyaabo qaraxa.

"Waa inaad sameysaan taxadar dheeraad ah oo aad cid walba ka digtoonaataan waayo waxaa horey halkaan qaraxyo uga geystay kuwa dalkaan u dhashay" ayuu yiri sarkaalkaasi u hadlay booliska Uganda sidoo kalena agaasime ka ah laanta booliska adduunka ee Interpol ku leeyahay wadanka Uganda.

Dawlada oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya dhawr waxaa u goodiyay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)