Somali News
    Hees  

Maamulka Galmudug oo beeniyay in Ajaaniib laga soo afduubtay Puntland lagu hayo deeganadooda

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maamulka Galmudug oo beeniyay in Ajaaniib laga soo afduubtay Puntland lagu hayo deeganadooda.

Maamulka Galmudug State ayaa beeniyay in dad ajaaniib ah oo laga soo afduubtay Puntland lagu haysto degmada Hubyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Abshir Diini Cawaale ayaa gaashaanka u daruuray war ka soo baxay Putland oo sheegayay in laba ruux ajaaniib ah iyo nin soomaali ah oo kooxo hubeysan ka afduubteen waqooyiga Gaalkacyo la geeyay degmada Hubyo.

Waxa uu beeniyay wasiirka warkaasi ka soo baxay Puntlan, waxaana uu tilmamaay in shaqaalahaasi laga soo afduubay Putland aan la keenin deegaanada uu ka arimoyo maamulka Galmudug.

"Waan u sheegnay Puntland wax Burcadbadeed ah iyo wax ay soo afduubteen inaan la keenin Hobyo, waana soo xaqiijinay arrintaasi"ayuu yiri wasiirka Amniga Galmudug oo warbaahinta la hadlay.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka amniga Galmudug Abshir Diini Cawaale ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maamulka Puntland uu shaaciyey in ajaaniib laga qafaashay waqooyiga Gaalkacyo la geeyey degmada Hobyo oo uu ka arimoyo maamulka Galmudug.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)