|
Ra'iisul wasaare Gaas: "Waxaan rajeyneynaa 19-ka bishan in la soo gudbiyo liiska ergada, 21-bishana la fariisto, shirka hadii la helo Kooramka 180-xubnood waa furmi karaa..."
Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ra'iisul wasaare Gaas: "Waxaan rajeyneynaa 19-ka bishan in la soo gudbiyo liiska ergada, 21-bishana la fariisto, shirka hadii la helo Kooramka 180-xubnood waa furmi karaa..."
Ra’isul-wasaaraha xukumada KMG Soomaaliya C/weli Maxmed Cali Gaas ayaa sheegay in 40-cisho kadib dalka uu yeelan doono dowlad rasmi ah oo bedeli doonta tan hada jirta ee KMG ah.
C/weli oo barnaamij ka baxayay TV-ga iyo Idaacada qaranka ka qeyb galayay isla markaana ka jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen dhageystayaasha ayaa sheegay in Soomaaliya waqti dhow ay ka bixi doonto kumeelgaarnimada.
R/wasaaraha ayaa xusay in meel gabagabo ah ay marayaan arimaha Road-maoka, isagoo tilmaamay in qodobadii afarta ahaa ee lagu heshiiyay ee kala ahaa Nabadgelyada, dowlad wanaagga, dibuheshiisiinta iyo dhameystirka Dastuurka ay hada meel fiican marayaan.
Dhinaca kale R/wasaaraha oo soo hadal qaaday dibudhac ku yimid shirka odayaasha ayaa tilmaamay in ay sameeyeen gudo xaliya khilaafaadka iyo waxyaabaha la isku mari la’yahay kaasoo uu sheegay in howlaha intooda badan ay dhameeyeen.
Waxaa uu sheegay R/wasaare Gaas in afar cisho kadib ay odyaasha u soo gudbin doonaan liiska ay ku qoranyihiin ergada ansaxineysa dastuurka cusub.
"Waxaan rajeyneynaa 19-ka bishan in la soo gudbiyo liiska ergada, 21-bishana la fariisto, shirka hadii la helo Kooramka 180-xubnood waa furmi karaa, muddo todobaad ayuu soconaya, waxaa ku xiga xulida baarlamaanka cusub, hada badi magacyada waa la hayaa, waayo odayaasha dhaqanka waa yaqaanaan xubnaha ay soo xulayaan, kadib waxaa la dooranayaan Afhayeenka Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa, waxaa ku xiga doorashada Madaxweynaha" ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali.
Dhinaca kale qorshaha waxaa uu ahaa in 12-ka bishan loo fariisto ansaxinta dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka hase yeeshee dibudhac ayaa ku yimid kadib markii odayaasha dhaqanka ay soo gudbin waayeen liiska ergada ansaxineysa dastuurka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|