Somali News
    Hees  

War deg deg ah: Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo goor dhow ku qarxay agagaarka Hotel ku yaala degmada Xamar-weyne

Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Inta la og yahay Qaraxii maaanta waxaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay xildhibaan....

War deg deg ah: Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo goor dhow ku qarxay agagaarka Hotel ku yaala degmada Xamar-weyne.

Waxaa goordhow qarax xooggan ka dhacay Hotel ku yaala Degmada Xamar Weyne, kadib markii uu halkaasi uu ku qarxay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogganm, waxa uuna ka dhacay agagaarka hotel ku yaala degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo goobtaasna laga maqlayo rasaas aad u xoogan, uuro madow oo cirka isku shareertay.

Warar kala duwana oo hordhac ayaa ka soo baxaya qaraxaas kuwasoo qaarkood ay sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay jid cade yar oo dhex mara bacadlihii hore ee Xamar weyne iyo dhismaha daartii Uunlaay oo loo bedelay hotel ay degan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo xaalada goobtaas cakiran tahay , welina lama oga khasaaraha qasaaraha ka dhashay qaraxaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in halkaas ay yaalaan meydadka ilaa shan qof oo gubatay, ciidamo ka tirsan dowlada ayaa rasaas hareeraha u furaya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)