|
Faahfaahin ku saabsan qarax lagu khaarajiyay Wasiirkii hore ee ganacsiga DKMG ah + Sawirro
Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Faahfaahin ku saabsan qarax lagu khaarajiyay Wasiirkii hore ee ganacsiga DKMG ah + Sawirro
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax loo geystay gaari uu saarnaa Wasiirkii hore ee DIBUDAJINTA IYO GARGAARKA AADAMIGA Maxamuud Cabdi Garweyne, waxayna wararku sheegayaan in gaariga Wasiirka uu ka soo baxay guri ku yaala Degmada xamar Weyne, kaddibna uu ku hakaday Hotel lagu magacaabo Al-Khaliij, hoteelkaas oo uu Wasiirku galay.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay Wasiirka ayaa miino loogu xiray mudadii uu ku jiray Hotelka Al-Khaliij, kaddibna markii uu ka soo baxay Hotelka oo uu galay gaarigiisa daqiiqado kaddib uu qarxay gaarigiisa.
Gaariga oo sida ka muuqata sawirka ahaa nooca Garib ayaa la sheegayaa inuu ka badbaaday hal nin oo gaariga ka saarnaa gadaal, hase yeeshee waxaa dhaawacyo ka soo gaareen nin iyo haweeney ku dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Allaha u naxariistee Maxamuud Garweyne oo markii ugu dambeysay noloshiisa ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka, ayaa horay u soo noqday Wasiirka DIBUDAJINTA IYO GARGAARKA AADAMIGA , waxaana goobta saakay lagu khaarajiyay la soo dhoobay ciidamo fara badan, kuwaasi oo bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.
Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Garweyne ayaa horay uga badbaaday isku day qarax miino oo lala damacsanaa, waxaana falalka noocaan ah had iyo goor lagu yaqiinay ururka Al-Shabaab, inkasta oo aanay weli sheegan inay iyagu ka dambeeyeen.









Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|