|
Gudoomiyaha Xisbiga DADKA oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay iney ansixinta dastuurka u soo xulaan ergooyin tayo leh
Mogadishu Isniin 16 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiyaha Xisbiga DADKA oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay iney ansixinta dastuurka u soo xulaan ergooyin tayo leh
Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyey booqanayey degaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey taageerayaasha xisbigaas.
Prof. Saciid Ciise Maxamud Gudoomiyaha xisbiga DADKA oo shir jaraaid ku qabtay hoygiisa ka dib markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku tegay degaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka, isagoo dhinaca kale baaq u diray odayaasha ku kulansan magaalada Muqdisho.
“Socdaalka aan ku tegnay gobolada dhexe aniga iyo xubno ka tirsan xisbiga DADKA wuxuu ahaa mid lagu guuleystay, waxaana dhinaca kale baaq u dirayaa odayaasha beelaha Soomaaliyed waxaana leeyahay soo xula ergooyin tayo leh oo ansixiya dastuurka cusub aqoon fiicana leh” ayuu intaa ku daray Prof. Saciid Ciise Maxamuud.
Dhinaca kale Prof-ka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyed iney gacmaha is qabsadaan meelna iska dhigaan qabyaalada iyo qoriga oo uu sheegay iney dalka geliyeen xaalada Murugsan ee uu maanta ku sugan yahay.
Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Maxamud iyo xubno la socda ayaa socdaal qaatay dhowr maalmood ku soo kala bixiyey degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Matabaan iyo degaano hoos yimaada oo kala kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, iyagoo kulamo kala duwan la soo qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degaanadaas ku dhaqan.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|