|
Hay'adda Action Against Hunger oo sheegtay in bil walba Soomaaliya ay ku barakacayaan 3,000 oo ruux
Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay'adda Action Against Hunger oo sheegtay in bil walba Soomaaliya ay ku barakacayaan 3,000 oo ruux.
Qaar ka mid ah hay’adaha samafalka oo ka hadlayay xaaladaha ay ku noolyihiin barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in bil
walba ay Soomaaliya kubarakacaan dad gaaraya (3,000 Sadex kun) oo ruux kuwaasoo ay haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin colaado iyo gar
gaar la’aan.
Warbixin kasooo baxday hay’adda Action Against Hunger oo ka mid ah hay’adaha samafalka ayaa waxay sheegtay inay jiraan dhibaatooyin adag
oo haysta Soomaalida ku jira xeryaha ay daganyihiin dadka barakacayaasha ah.
Hay’ddaan la yirtaahdo Action Against Hunger waxay hadalkeeda ku sheegtay inay sanadkaan kordheen dadka ka cararaya dagaalada ku sii
fidaya gobolada dalka ee u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG ah oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Al-Shabab.
Dadka ayay sheegtay warka ay hay’adaan soo saartay waxaa kale oo lagu xusay in xilli roobaadkii oo sanadkaan yaraaday ay sabab u noqonayso
in dadku waayaan raashin ku fulantaasinaay keentay inay u guur guuraan meelo ay raashin ka heli karaan, waxaana hay’addu intaa ku dartay in
dad gaaraya 2.5 million oo ruux inay u baahan yihiin inay gar gaar helaan.
Warbixinta ka soo baxday hay’adaha samafalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in xeryahaay degen yihiin dadka barakacayaasha ah p[ee ku
yaala magaaalada Muqdisho ay ka jiraan xaalad macaluul ah islamarkaana ay kaalmo u baahanyihiin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|