|
Ciidamada Itoobiyaanka oo saakay qarax lagula eegtay Magaalada Baladweyne
Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Itoobiyaanka oo saakay qarax lagula eegtay Magaalada Baladweyne.
Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saaka ka dhacay qaraxyo badan oo is xigxigey kuwaasoo lala eegtay ciidamada Itoobiyaanka ee xooga ku haysta magaaladaasi.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa la sheegay in subax kasta marka ay biyaha dhaansanayaan inay bandow saaraan magaalada si aan loo weeraerin balse saaka qaraxyo badan lagu weeraray xili magaaladuna bandow u aheyd.
Wararka laga helayo qaraxyadaasi ayaa sheegaya inay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka ee la weeraray balse aan tiro sugan laga heli karin madaama ay magaaladu bandow tahay oo dadku arki karin khasaaraha soo gaaray ciidamada.
Xaafada Buundo weyn ee Baladweyne ayaa la sheegay inay qaraxyadaasi ka dheceen halkaasoo ay ku yaalaan ceelal biyood ay subaxdii biyaha ka dhaansadaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|