Somali News
    Hees  

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay Xaflad ay soo agaasimeen Ururka Dhalinyaradda ee Ka hortaga Qabyaaladda.

Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay Xaflad ay soo agaasimeen Ururka Dhalinyaradda ee Ka hortaga Qabyaaladda.

Muqdisho, July, 17, 2012 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhalinyaradda ee La dagaalanka Qabyaaladda (Anti-Tribalism). Taas oo lagu muujinayay dhibaatooyinka ay leedahay Qabyaaladda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo aad u badan, waxeyna ku saabsaneyd xafladdu sidii looga hortagi lahaa Qabyaaladda sida qaldan loo adeegsanayo.

Ugu horeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/qaadir Jahweyn ayaa aad u amaaney dadaalka ay muujinayaan Dhalinyaradda Soomaaliyeed, isuna xil qaamay sidii ay uga hortagi lahaayeen adeegsiga Qabyaaladda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isna uga mahadceliyay dadaalkooda kuna booriyaya Dhalinyaradda soo abaabushay barnaamijkaan ah La dagaalanka Qabyaaladda,  wuxuuna sheegay in qabyaaladu tahay tii dalka Soomaaliya dhaxalsiisay bur-burkii ku yimid dalka loona baahan yahay maanta in dhalinyarada Soomaaliyeed u istaagan sidii loo qaadi lahaa kacdoon ka dhan ah Qabyaaladda maadaama ay dhalinyaradu tahay kuwii ay ku yeelataya saamaynta ugu balaaran.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Kacdoonkii SYL ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed maanta loo baahan yahay in dhalinyarada oo ah Mustaqbalka dalka ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa Qabyaaladda.






– DHAMAAD -

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)