Somali News
    Hees  

Dood wadaag ku saabsan Arrimaha kala guurka oo madaxda dowladda ka qeyb galeen oo Muqdisho lagu qabtay

Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dood wadaag ku saabsan Arrimaha kala guurka oo madaxda dowladda ka qeyb galeen oo Muqdisho lagu qabtay

Dood wadaagii u horeeyay oo shacabka Soomaaliyed kaga doodayaan marxalada kala guurka oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda dowladda, Wasiiro, Xildhibaano, Haweenka iyo Culumaa'udiin ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dood wadaagan uu bilow ahaa doorka Haweenka ku leeyihiin hogaanka dalka iyo siyaasada.

Dood wadaagan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas, Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha qoyska Maryan Aweys Juma, Marwada Ra'iisul Wasaaraha Hodan Saciid Ciise, Haween horay uga soo mid noqday Dowladihii hore, iyo Haween Saraakiil ahaa iyo ururada haweenka.

Ugu horeyn waxaa kulanka dood wadaaga furay Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Madaxa Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD oo sheegay in kulankan uu muhiim u yahay in diirada lagu saaro doorka Haweenka, isagoo ka dhawaajiyay in Haweenka soo mareen dhibaatooyin badan.

Mr Jibriil ayaa tilmaamay in Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ay bilowday dood wadaag ay shacabka Soomaaliyed markii u horeysay ka qeyb gelineyso, kaasoo looga hadlayo marxalada kala guurka, isagoo cadeeyay in muhiim tahay xuquuqda haweenka la muujiyo.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in xuquuqda haweenka tahay lama taabtaan, isagoo soo qaatay Heshiisyadii Garowe ka dhacay 20% haweenka laga siiyay dowladda, hase ahaatee heshiiskii labaad lagu qeexay 30% ay dowladda ku lahaadaan, markii dadaal la sameeyay.

Su'aalaha kulanka dood wadaaga oo ahaa mid si saraaxad leh ku socday ayaa Haweenkii ka qeyb galayay ay su'aalooyin weydiinayeen Mas'uuliyiinta iyo Culumaa'udiinka, iyadoo su'aalaha qaar lagu cabirayay waxa ay Diinta Islaamka ka qabto in Haween ay hogaan ama madaxweyne dal ka noqoto.

Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyed ayaa sheegay in Haweenka ay muhiimad ay leedahay in la qadariyo, isla markaana xuquuqda haweenka yahay mid lagu cadeeyay axaadiista iyo quraanka kariimka, isagoo xusay in looga baahan yahay in wixii Islaamka xadeeyo looga baahan yahay in haweenka ogolaadaan.

Marwada Ra'iisul Wasaaraha Hodan Saciid Ciise ayaa sheegtay in loo baahan yahay ilaa laga xaqiijiyo in haweenka 30% xuquuqdooda ka helayaan ay tahay dambi shacabka laga galayo.

Sidoo kale Batuula Sheekh Axmed Gabale oo ka mid ah haweenka u ololeeya xuquuqdooda ayaa sheegtay in jiritaanka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro Haweenka, iyadoo ka dhawaajisay in marka guriga la joogo ay Haweenka hogaanka hayaan, cuntadana ay kariyaan, balse marka la qeybinayo loo diido hogaanka.

Canab Xasan Cilmi oo ah Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa ugu baaqday Haweenka inay fadhiga ka kacaan oo ay xilalkoooda raadsadaan bedelkii ay guryahooda fadhin lahaayeen, waxaana ay cadeysay in haween walba ay beesheeda u tagto, iyadoo goobta ka sheegtay in iyada markii ay beesheeda u tagtay ay Xildhibaanimo ka soo heshay.

Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Maryan Aweys Juma ayaa sheegtay in wasaaradeeda ay dul taagan tahay in xuquuqda haweenka ee horay loo siiyay inay u dagaalaamaan sidii ay u heli lahaayeen.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo gaba gabadii kulanka dood wadaaga ku soo biiray ayaa balan qaaday in Haweenka ay xuquuqdooda heli doonaan, waxaana su'aalaha lagu weydiinayay kulanka oo ahaa mid dowladda looga dalbaday inay saxiixdo in Haweenka sidii looga tala galay xuquuqdooda u helaan ayaa sheegay in taas diyaar u yihiin, haweenkana ay door wanaagsan ku leeyihiin bulshada.

Dhinaca kale Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga CRD ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay u qabato dood wadaag Musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo codsiga Hey'adda ay aqbaleen musharaxiinta iyo madaxda dowladda inay kulan dood wadaag ah u sameyso, xilli 20-ka Agosto ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Kulankan dood wadaaga ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa oo Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ay u qabato Haweenka, kaasoo looga doodayay Marxalada kala guurka, iyo kaalinta haweenka ay ku leeyihiin hogaanka dalka, waxaana marka laga reebo xamaasada ay dooda laheyd ay aheyd mid xubnihii ka qeyb galay ay niyad wanaag ka muujiyeen inay fursad u helaan inay ka hadlaan arrimaha kala guurka, bedelkii ay horay ugu koobnaayeen Lixda Saxiixayaasha.















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)