|
Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda
Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda
Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha
Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen
loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala
duwan.
Munaasabadda oo ka dhacday hoteelka Shaamow ayaa hadallo kala duwan ka
jeediyay ardaydii qalinjabisay oo gabdho iyo wiil ahaa, mas'uuliyiinta
jaamacadda qaarkood iyo marti-sharaf kale.
"Waxaan u mahadcelinayaa macallimiinta iyo maamulka jaamacadda
Muqdisho oo ii suurogeliyay inaan maanta ka qalin-jabiyo kulliyadda
dhaqaalaha, runtiina waa heer aan aad ugu faraxsanahay inaan soo
gaaro," ayay tiri Xamdi Cumar Xasan oo ka mid ah ahayd ardaydii
qalin-jabinaysay.
Diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xuseen Ciise
(Liibaan) oo isaguna munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in baaris ay
sameeyeen ay ku ogaadeen in 40% ardayda jaamacadda dhigta ay yihiin
gabdho.
"Jaamacaddu waxay tixgelin gaar ah siisaa waxbarashada gabadhaha," ayuu yiri Dr. Liibaan oo hadalkiisa raaciyay in ardayda jaamacadda ka
baxay ay la socdaan isbedellada cilmiga ku imaanaya.
Ustaad Cali Daahir Maxamed oo ka mid ah mas'uuliyiinta jaamacadda
Muqdisho ayaa hadal uu munaasabadda ka jeediyay ku yiri: "Maanta waxaa
faraxsan bulshada oo dhan, sababtoo ah waxaa u soo qallin-jabiyay
arday taqasusaad kala geddisan leh."
"Ardayda waxaan kula dardaarmayaa inaysan noqon kuwo cilmi leh oo aan
waxba akhrin. Jaamacaddu waxay leedahay dhaqan wanaagsan oo wax la
idinku soo baray, waxaa la idin kaga baahan yahay inaad u gudbisaan
bulshada cilmiga aad barateen, aadna noqotaan dad leh ixtiraam iyo
dulqaad," ayuu yiri Ustaad Cali Daahir.
Nasro Wehliye Maalin oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda
Isgaarsiinta Nationlink oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in
Jaamacadda Muqdisho ay soo celisay rajadii ummadda Soomaaliyeed,
maadaama ay arday fara badan ka qalin-jabiyeen.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay C/llaahi Cilmi Ibraahim oo ka
yimid dalka Norway-Bergam ayaa sheeagy inuu ku faraxsan yahay
munsaasabaddan qalin-jabinta ah, isagoo yiri: "Waxaad maanta i tusteen
wax weyn oo aan jaaliyadda Norway aan uga sheekeyn karo."
Ugu dambeyn, hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho,
C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan (Weha) oo munaasabadda ka hadlay ayaa
ku ammaanay ardayda qalin-jabiyay dulqaadkii iyo dhabar-adaygii ay
sameeyeen muddadii afarta sano ahayd ee ay waxbarashada ku jireen,
isagoo kula dardaarmay inay mujtamaha Soomaaliyeed uga faa'iideeyaan
aqoontooda.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|