|
Eritrea oo dalbanaysa in cuna qabataynta laga qaado mar haddii la ogaaday inaysan Shabab taageerin
Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Eritrea oo dalbanaysa in cuna qabataynta laga qaado mar haddii la ogaaday inaysan Shabab taageerin
Safiirka dawlada Eritrea u fadhiya Q,M danjire Araya Desta oo ka hadlayay warbixin ay soo saareen gudiga ay Q,M u xil saartay
baaritaanada hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa golaha amaanka ka dalbaday incuna qabataynta laga qaado dawladiisamar
haddii la ogaaday inaysan wax taageero ah siin Xarakadda Al-Shabab.
Danjire Araya Desta waxaa uu tilmaamay inay tilaabo wanaagsan tahay in Q,M ay ogaatay inaysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dawladiisa
iyo Al-Shabab waxaana uu intaa ku darayin la joogo waqtigii cuna qabataynta laga qaadi lahaa dawlada Eritrea.
"Runtii aad bay noo farxad galinaysaa inaan helno xogku saabsan in Q,M ogaatay in Eritrea aysan Shabab taageerin" ayuu yiri safiirka
Eritrea u fadhiya Q,M.
Sidoo kale safiirka ayaa iska fogeeyay inay waligoodba taageereen Al-Shabab iyo dhinacyo kale oo amaan daro ka shaqeeyaa..
Guddiga kasocda Q,M ayaa war bixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in dawlada Eritrea ay hooos udhigtay taageerada ay siin jirtay
Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|