|
Diyaargarow lagu soo dhaweynaayo Wafdii uu hogaaminaayo R/wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo Muqdisho ka socota
Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaargarow lagu soo dhaweynaayo Wafdii uu hogaaminaayo R/wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo Muqdisho ka socota.
Waxaa saacdaha soo aadan la filayaa inuu ka soo dego garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wafdi uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeenka TurkigaBakir Bosdag.
Soo dhaweynta Wafdiga ka socda Turkiga ayaa si weyn iminka uga socota gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi ku sugan madax ka tirsan dowlada KMG ah.
Wadada Isku xirta Madaxtooyada iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeyay amaankeeda, iyadoo la arkayo ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah oo si weyn u sugaya amaanka.
Dowladda Turkiga ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha gargaarka ugu badan siiyay Soomaaliya markii ay abaaraha ku dhifteen sanadkii hore, waxaana madaxda Turkiga ay balanqaadeen inay Soomaaliya ka hergelin doonaan mashaariic dhowr ah oo qaarkood ay qabteen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|