|
Maxkamadda Kenya oo sii daysay dad u dhashay wadanka Iran oo loo haystay inay Al-Shabaab taageeraan
Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxkamadda Kenya oo sii daysay dad u dhashay wadanka Iran oo loo haystay inay Al-Shabaab taageeraan.
Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi ayaa $23,800 ku sii deeysay 2 nin oo u dhashay Wadanka Iiraan kuwaas Ciidamada Boliska Kenya ay horay gacanta ugu dhigeen iyagoo xiligaasi lagu eedeeyay inay Qaraxyo ka qorsheynayeen gudaha Kenya islamarkaana ay Xiriir la lahaayeen
Xarakada Al-Shabaab.
Eedeeysanayaasha loo heystay inay doonayeen inay usoo safraan Soomaalia waxaa lagu kala magacaabaa Axmad Maxammed iyo Sayed Mousavi Xaakimka Maxkamada qaadeeysa Dacwadaha ka dhanka ah ragaan oo la yiraahdo Paul Biwott ayaa Ciidamada Amaanka ka dalbaday inay Muwaadiniinta Iiraaniyiinta ah siiyaan Baasabooradooda iyagana waxa uu ku amray in dib ay ugu laabtaan dalka Iiraan oo ay u dhasheen.
Xaakimka Maxkamada Nairobi Paul Biwott ayaa tilmaamay in baaritaano Hay’adaha Amaanka ay sameeyeen lagu ogaaday in 2dan nin ee ka soo jeeda Iiraan aysan wax lug ah ku laheyn arimaha Argagaxisada iyo Xarakada Al-Shabaab ee Soomaalia ka dagaalanta.
Dowladda Kenya ayaa kujiha wareersan kahortagida dadka Soomaalia usoo safraya si ay ugu soo biiraan Xarakada Al-Shabaab oo soomara dalkaasi iyo Qaraxyo Shabaabka ay sheegtaan Mas’uuliyadooda oo kusoo badanaya Magaalooyinka Kenya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|