Somali News
    Hees  

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al-shabaab oo ka soconaya duleedka Degmada Baardheere

Mogadishu Talaado 17 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al-shabaab oo ka soconaya duleedka Degmada Baardheere.

War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Al-shabaab uu ka soconayo duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowladda KMG ah, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u culus isla amrkaana labaada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la sheegay in xoogiisa uu ka dhacay deegaan loo yaqaano Juungal kaasoo qiyaastii 25-Km u jira degmada Baardheere, waxaana la tilmaamay in deegaankaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Degmada Baardheere oo ah goob ay ku xoogbadanyihiin kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ka taagan cabsi kadib markii saraakiisha ciidamada dowlada ay ku hanjabeen in saacadaha soo aadan ay gacanta ku dhigi doonaan degmaadaas.

Kooxda Al-shabaab ee heysta degmada Baardheere ayaa la sheegay inay dhufeysyo waaweyn ka qoteen wabiga Juba hareerahiisa, waxaana la tilmaamay inay ka go’antahay inay dagaal xooggan kala hortagaan ciidamada dowlada ee ku soo wajahan halkaas.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)