|
Hay'adda RRF oo Munaasabada lagula dagaalamaayo Isticmaalka Qaadka ku qabatay Magaalada London + DAAWO SAWIRADA
Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay'adda RRF oo Munaasabada lagula dagaalamaayo Isticmaalka Qaadka ku qabatay Magaalada London + DAAWO SAWIRADA
Xarunta Hay'adda Rahmah Relief Foundation ee Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa maalintii shalay Qban qaabisay Munaasabad Ballaaran oo looga hadlaayay Dhibaatada uu leeyahay Qaadka ama Jaadka oo inta badan Ehel u noqday Umadda Somaaliyeed gaar ahaan kuwa kunol Magaalada London ee cariga Dalka Ingiriiska
Munaasabada oo ahayd mid ay isugu yimaaden Aqoonyahaano, Waxgarad,Masuuliyiin iyo waliba Haween soomaaliyeed oo iyaguna kasoo horjeeday isticmaalka Qaadka, ugu Horeyntii Munaasabada waxaa ka hadlayMa Guddoomiyaha Hay'adda Rahmah Relief Foundation (RRF) Mudane Cali xamed Jimcaale (Cali Ooyaaye) oo isagu ka hadlay Arrimo badan oo isugu jiro Dhibaatada Qaadka ama Jaadka uu ku haayo Guud ahaan Bulshada caalamka gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed oo iyagu laf dhabar u noqday Isticmaalka Jaadka haba ugu badnaaden kuwa kunool Magaalada London
Mudane Cali Mohamed Jimale oo ah Aabaha ama Aasaasaha Hay'adda (RRF) iminkana ah Guddoomiyaha Hay'adda ayaa ku nuux-nuuxsaday in Hay'adiisu tahay mid mar waliba kasoo horjeedo isticmaalka Dhalinyarada ee Qaadka waxa uuna wacad ku maray Guddoomiyaha in Hay'adiisu ay sii xoojin doonto la dagaalanka Jaadka ee Guud ahaan soomaalida ay isticmaasho gaar ahaan soomaalida London oo iyagu inta badan waqtigooda ku bixiyay Cunitaanka Qaadka, waxaana xusid mudan in uu carabka ku dhuftay Guddoomiye Cali Mohamed in Isbitaalada London ay buux dhaafiyeen Boqolaal soomali ah oo iyagu qaba Cudurada kala ah Waalida, Hudo la'aan , TB, Kansar, Dhiig kar Calool xanuun , saxarado oo adkaato, Gastriiga, oo ay ka dhex leen Cunitaanka Qaadka
Munaasabada intaa kuma aynan ekeen ee waxaa sidoo kale ka hadlay Hooyooyin fara badan oo iyaguna Dhaleeceen dusha uga tuuray Dumarka iyo Ragga ka ganacsada Qaadka iyo Muqaadaraadka qeybihiisa kala duwan waxa ayna mahad ballaaran u jeediyeen Hay'adda (RRF) oo iyadu indhaha ka qabsan weyday isticmaalka Qaadka oo kusii badanaayo soomaalida kunool Dalka Ingiriiska oo iyagu Ehel u noqday Qaad
Inta badan waxaa siyaabo kala duwan Munaasabada kalimado uga jeediyay tiro waxgarad ah oo iyagu soo dhaweeyay ka hortaga Qaadka, waxa ayna Gaashaanka u daruureen in ay ku daba feeli doonan Hay'ada (RRF) oo iyadu la dagaala meyso isticmaalka Qaadka islamarkaana dadkaasi kasoo qeyb galay munaasabada waxa ay balan qaaden in ay mar waliba garab taagnaan doonaan Hay'adda RRF oo noqotay Hay'addii ugu horeysay oo kasoo horjeesatay isticmaalka Qaadka
Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay Xassan Kaafi oo isagu kamid ahaa Dhalintii kasoo qeybgashay Munasabada quruxda badneyd waxa uuna mahad u jeediyay Maamulka Hay'adda (RRF) Isaga oona ka codsaday in lasii xoojiyo Barnaamijada Ceynkaasi ah oo lagu cirib tiraayo Qaadka
Guddoomiyaha Hay'adda Rahmah Relief Foundation (RRF) Mudane Cali xamed Jimcaale (Cali Ooyaaye)






Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|