Somali News
    Hees  

Munaasabad Madaxweyne Shariif ku soo bandhigayo waxqabadkiisa oo Muqdisho ka dhacday

Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Munaasabad Madaxweyne Shariif ku soo bandhigayo waxqabadkiisa oo Muqdisho ka dhacday

Munaasabad uu soo qabanqaabiyay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed isla markaana lagu soo bandhigayo waxqabadka Madaxweynaha iyo musharaxnimadiisa ayaa iminka ka socota magaalada Muqdisho, munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb gelayaan xubnaha Dowladda KMG intooda badan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda Madaxweyne Shariif uu ka jeediyo khudbad uu ku faahfaahinayo ujeedadiisa ku aadan qabashada munaasabadaasi ballaaran.

Kulaan oo aan noociisa sanadahan lagu qaban magaalada Muqdisho ayna ka soo qeyb gelayaan kumanyaal qof oo isugu jira madax ka tirsan DKMG ah, siyaasiyiin, shaqsiyaad magac leh, iyo dad rayid ah boqolaal ruux oo isugu jira Mas'uuliyiin, Qeybaha bulshada, odayaasha dhaqanka, culumaa'udiin, Haween iyo fanaaniin.

Gudiga Ololaha doorashada ee Madaxweyne Shariif oo soo qabanqaabiyay kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayaasha ay ku soo bandhigayeen cida ay u arkaan inay jagada Madaxtinimada qabto, waxaana qeybaha bulshada ay lulayeen sawirka Madaxweyne Shariif.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u diyaar garowday marti gelinta ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, soona xuli lahaa Xildhibaanada cusub, iyo doorashada madaxtinimada ka dhaceysa Muqdisho.

Waxaa sidoo kale kulanka hadallo kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada, Malaaqyada iyo Imaamyada, iyadoo ilaa shan oday dhaqameed matalayay shanta beelood ay khudbado ay ku muujinayeen in Madaxweyne Shariif dib mar kale u qabto madaxyinimada ka jeediyeen, iyagoo ku ammaanay mudadii uu xilka madaxweynenimo hayay.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in si howsha dalka ka socota loo sii ambaqaado ay doonayaan in Madaxweyne Shariif mar kale sii haayo xilka madaxweynenimo, iyagoona caddeeyay in mansabka madaxweynenimo aan lagu tijaabin shaqsi aanay Soomaalidu aqoon badan u lahayn, balse Madaxweyne Shariif ay ogaadeen waxtarkiisa.

Madaxweyne Shariif oo aan weli soo xaadirin madasha kulanka ay soo qabanqaabiyeen guddiga doorashadiisa ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu uga hadlayo dowladiisu inay tahay tan kaliya ee qabatay wax muuqda, isla markaana ka codsanaya qeybaha bulshada Soomaaliyeed inay mar kale xilkaasi u doortaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)