|
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan in macluul mar kale ka dhacdo Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya
Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan in macluul mar kale ka dhacdo Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Mark Bowden isku duwaha Qaramidoobay ee howlaha Bani’aadanimada Soomaaliya oo shir jaraa’id suxufiyiinta ugu qabtay magaalada Nairobi ayaa ashegay inay ka walaacsanyihiin in mar kale macluul ay ka dhacdo wadanka Soomaaliya.
"Waa in aan sameeynaa wax kasta oo loogu hortagaayo in markale ay soo laabato macluushii ka dhacday Soomaaliya bishii July 2011 taas oo laabaatan kun dishay,"ayuu yiri Mark Bowden.
Bowden ayaa intaas ku daray in ku dhawaad 323,000 oo carruur ah oo da’dooda ay ka yertahay shansano inay halis ugu jiraa in ay macluul ku dhacdo.
Tobanaan kuno oo qof ayaa la aaminsan yahay inay dhinteyn sannadkii hore, markii ay sii lixaadsatay macluusha gobalka, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya Bishii July ee kal hore.
Dhinaca kale Warbixin ay soo saartay hey’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in in ka badan 1-milyan oo qof oo Soomaali ah ay ka barakaceen dalka, kuwaas oo galay waddamada deriska ah sida Kenya Ethiopia iyo Jabuuti.
Warbixin ka soo baxday UNHCR ayaa sidoo kale lagu sheegay in toddobaadkii hore la ogaaday inay dalka colaada iyo abaarta uga cararay dalka ay gaareen ilaa hal milyan oo qof, kuwaasoo intooda badan galay dalalka Kenya iyo Ethiopia, waana markii ugu horeysay oo tiro intaa la’ eg la diiwaan-geliyo tan iyo sanadkii 1991.
UNHCR ayaa xustay in lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan ay 30,000 oo qaxooti cusub ah oo Soomaali ah laga diiwaan-geliyay xeryaha dalalka Gobolka qaarkood. Sanadkii hore oo ay dhaceen abaarihii ugu darnaa waxaa guryahooda ka barakacay in ka badan 137,000 oo Soomaali ah, halka sanadkan oo dhan 2011 laga diiwan-geliyey xeryaha 294,000 oo qaxooti ah.
Afhayeenka UNHCR, Adrian Edwards ayaa warbaahinta ugu sheegtay magaalada Geneva in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada kaga bixi karaan iyagoo hela nabad iyo xasillooni, wuxuuna tilmaamay inay beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay taageeridda Soomaalida.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|