Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah ee sida gaarka ah u tababaran oo howlgalo ka fuliyay xaafado ka mid ah Muqdisho

Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidamada Dowladda KMG ah ee sida gaarka ah u tababaran oo howlgalo ka fuliyay xaafado ka mid ah Muqdisho

Ciidamda sida gaarka ah u tababaran ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa howlgalo ka fuliyay saacadihii la soo dhaafay xaafado ka mid ah degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro la tilmaamay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, kuwaasoo ku sugnaa qaar ka mid ah xaafadaha Suuqa Xoolaha.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in dhalinyaro ka mid ah kooxda Al-shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan xaafada Suuqa Xoolaha.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in howlgalka ay ku soo qabteen labaatan dhalinayaro ah oo ka tirsan koxda Al-shabaab, iyagoo sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada nabadsugida iyo kuwa Militariga.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa maalmihii u danbeeyay waxa ay howgalo amaanka ay ku xaqiijinayaan ka sameynayeen degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan Huriwaa, Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ah degmooyinkii ugu danbeeyay ee laga xureeyay kooxda Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)