|
Ciidamada Dowladda KMG ah oo kaabiga u saaran inay la wareegaan Degmada Baardheere iyo Dagaalo weli halkaasi ka soconaaya
Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda KMG ah oo kaabiga u saaran inay la wareegaan Degmada Baardheere iyo Dagaalo weli halkaasi ka soconaaya.
War hada na soo gaaray ayaa sheegay in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Al-shabaab uu goor dhow ka qarxay duleedka degmada Baardheere kaasoo la tilmamay in leysku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay kaabiga ku haayaan degmada Baardheere kadib markii shalay dagaal ay kula wareegeen deegaano ku dhow dhow degmadaasi.
Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya, waxaana cabsi weyn ay soo wajahday kooxda Al-shabaab ee gacanta ku heysa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Ahlusuna ay ku soo siqayaan degmada Baardheere,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in rasaasta iyo madaafiicda ay is dhaafsanayaan labada dhinac ay saameyn ku yeelatay degmada Baardheere.
Saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaamineysa dagaalka ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay la wareegi doonaan gacan ku haynta degmada Baardheere oo ay ku xooganyihiin koxoda Al-shabaab.
Warar aan la xaqiijina waxaa ay sheegayaan in kooxda Al-shabaab ay isaga baxday degmada Baardheere ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku soo wajahanyihiin ciidamada huwanta ee iska kaashanaya la daagaalanka kooxda al-shabaab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|