Somali News
    Hees  

War Saxaafadeed Kasoo Baxay Haweenka Soomaaliyeed

Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

War Saxaafadeed Kasoo Baxay Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho War saxaafadeed kasoo baxay shir haweenka Soomaaliyeed oo maanta ku kulmay hoteelka City Palace, degmedda Cabdiazizi ee magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay xukuumadda iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed horumarka laga gaaray geedi socodka ansixinta dastuurka kaas oo odayaal dhaqamaeedku soo dhaweeyeen islamarkaana ku biiriyeen tallooyinkooda, loona soo bandhigui ergada ansixineysa Dastuurka.

Haweenka Soomaaliyeed waxay kullankooda kasoo saareen qodobada hoos ku xusan:

1-   Waxaan usoo jeedinaynaa DFKMG Soomaaliya iney tixgeliso heshiisyadii Garoowe iyo Dhamaan heshiiyadii kale, kuwaasi oo si cad u qeexayay Doorka Haweenka ee ka qeyb qaadashada siyaasadda dalka islamarkaana la dhawro saamiga loo qoondeeyay iney dumarku ku yeeshaan oo ahayd 30%.

2-   Waxaan ugu baaqeynaa Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iney tixgeliyaan saamiga haweenka ee ku aaddan ka qeyb qaadashada Ergooyinka Ansixinaya dastuurka iyo xubnaha Barlaamanka cusub.

3-   Waxaan baaq qaar ah u diraynaa saxiixayaasha Roadmaapka inay ilaaliyaan heshiisyadii Garowe II iyo dhamaan kuwii kale, sidii ay kusaxiiseen khaasatan saamiga haweenka.

4-   Waxaan sido kale baaq u diraynaa Beesha caalamka inay xaqiijiyaan hirgalinta heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhowrayeey xuquuqda dumarka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Ugu dambeyntii Haweenka Soomaaliyeed ayaa isku raacay inay difaacdaan xuquudooda, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka ka saaran dalkooda.

Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)