Somali News
    Hees  

Wasiirka dastuurka: "Shakigii ku jiray qodobo ka mid ah dastuurka Waa la dhameeyay.."

Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wasiirka dastuurka: "Shakigii ku jiray qodobo ka mid ah dastuurka Waa la dhameeyay.."
 
Wasiirka dastuurka ee Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka warbixinayay halka ay marayaan arimaha dastuurka ayaa sheegay in la xaliyay qodobadii in bada uu ka mid ah dadka uu uga jiray madmadowga.

Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday mar uu soo hadal qaaday xiriirka ka dhaxeeya wasaaradiisa iyo odayaasha dhaqanka ee u fadhiya soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka inay wada shaqey fiican ka dhaxeyso, waxaana uu tilmaamay in odayaasha ay ku qanacsanyihiin Dastuurka.

Waxaa uu tilmaamay C/raxmaan Xoosh jibriil in marxalad cusub uu geli doono dalka marka la gaaro Agost labaatankeeda, isagoo xusay in mudadaasi inta ka dhiman lagu soo xuli doono xubanaha Baarlamaanka.

Inkastoo marar badan uu dibudhac ku yimiday soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka ayaa waxaa uu sheegay gudoomiyaha gudoga farsamada in maanta ay soo gudbin doonaan liiska ay ku qoranyihiin magacyada asaxineyda dastuurka cusub ee qabyo qoraalka ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)