|
Ciidamada badda Shiinaha oo si xoog ah ku furtay shaqaale iyo doon burcad badeedu haysatay
Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada badda Shiinaha oo si xoog ah ku furtay shaqaale iyo doon burcad badeedu haysatay.
Ciidamada Badda Shiinaha oo bad baadiyay Shaqaale Shiinees ah oo ku dhawaad labo sanno gacanta ugu jiray Burcad Badeedka Somalida.
Ciidamada Badda dalka Shiinaha ayaa bad baadiyay 26 shaqaale oo badankood u dhashay dalka Shiinaha ah kuwaasoo lagu haystay gudaha
Somalia.
Shaqaalahaan la bad baadiyay ayaa u badan Shiinaha waxaana lagu haystay biyaha Somali 18 bilood qaab madax furasho ah.
Dowladda shiinaha ma aysan cadayn qaabka uu u dhacay soo furashada howlgalkaas iyadoo u kala dhashay dalalka Shiinaha,Taiwan iyo Vietnam waxaana 13 kamid ah ay ahaayeen China,12 ay u dasheen Vietnam halka soo harayna wuxu u dhashay dalka Taiwan.
Shaqaalahaan ayaa la socday dooni Kalluumaysi nuuca shabaagta waaweyn Qaada waxana lagu magacaabayay FV Shiuh Fu No 1 waxaaa kooxaha Burcad Badeedka Somalida ay heysteen ilaa 2010.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda China ayaa lagu sheegay in Goor dambe oo shalay ayaa ciidanka Badda shiinaha ka jooga biyaha Somalia ay sameeyeen shaqo wanaagsan iyagoo bad baadiyay shaqaalo 26 ah oo 13 kamid ah ay u dhasheen dalweynaha Shiinaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa sheegtay inay kula jirtay wada xaajood ku siin lahayd lacago madax furasho kooxihii ay u
afduubnaayeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|