Somali News
    Hees  

Warbixin uu soo saaray gudiga QM oo ka hadlay herarkii kala duwanaa ee uu ku bilawday barnaamijka sameynta Baasaboorka cusub

Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Warbixin uu soo saaray gudiga QM oo ka hadlay herarkii kala duwanaa ee uu ku bilawday barnaamijka sameynta Baasaboorka cusub

Warbixin uu soo saaray gudiga QM ee la socodka cunaqabataynta hubka ee dwladaha Soomalia iyo Eritaria oo ka hadlay herarkii kala duwanaa ee uu ku bilawday barnaamijka sameynta Baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Dowladihii KMG ah ahaa ee soomaray dalka ayaa mashariicdaasi u xilsaaray labo shirkadood oo kala dambeeyay oo mida hore lagu magacaabo JSL iyo shirkada kale ee lagu magacaabo MTI kuwaas oo labadoodaba fadhigoodu yahay magaalada Dubai ee dalka isutaga imaaraad carabta.

Hadaba baaritaan uu gudigu sameyay ayaa waxaa lagu ogaaday in hal malyuun afar boqol iyo lix kun dolar oo ah daqli laga helay sameynta baasabooradaan cusub iyo kaararka aqoonsiga shirka mti lala yahay halka la marsiiyay oo aysan soo marin xafiisyada xisaabaadka maaliyadeed ee dowlada intii u dhexeysay 2010 ilaa 2011 sida lagu sheegay qoraalo maaliyadeed oo uu soo diyaariyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Laanta socdaalka waxay sanad maaliyadeedka 2011 oo kaliya soo sheegtay lacago dhan 934 kun oo dolar laakiin maysan soo gudbin daqliga soo galay intii u dhexeysay 2007 ilaa 2010.

Gudiga waxaa uu sheegay in musuq maasuqa lagaga faa'iidestay mashruucaan ay Shariif Xasan Sh Aadan wasiirkii hore ee maaliyada iyo taliyaha waxda socdaalka iyo jinsiyadaha jen. C/laahi Gaafow Maxamuud ay awood u isticmaaleen si ay lacag dhan qiyaastii 400 000 kun oo dheeraad ah ugala baxaan koonada ay leedahay safaarada soomalia ee itoobiya lacagtaas oo ah daqli laga helay araajida basaboorada cusub warbixintu waxaa ay sheegeysaa in labadaan masuul aysan lacagtaasi u gudbin xafiiska xisaabiyaha guud.

Warbixintu waxaa ay sheegtay in Shariif Xasan Sh Aadan wasiirkii hore ee maaliyada, Gen. Gaafow iyo ambasadoor Shiiqay oo ah qunsulka guud ee Dubai ay sadaxduba ku abal mariyeen mashruuca basaboorada cusub ganacsade lagu magacaabo Shariif Axmed Baclaawi iyo shirkadissa MTI.

Saraakiil badan oo ka tirsan dowlada iyo ganacsato fadhigoody yahay Dubai oo si dhaw ula socda mashrucaan ayaa gudiga QM u sheegay in 3 masuul ay saami ku leeyihiin shirkada MTI.

Gudiga QM u qaabilsan la socodada cunaqaba hubka ee saaran Soomalia iyo Eritaria ayaa waxaa ay sheegay in taliyaha laanta socdaalka dowlada Gen. Gaafow uu u xaqiijiyay in safaaradaha Soomalia dalalka dibada ay basaboor kasta ku iibiyaan 100 dolar sida uu sheegay Laakiin gudigani waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in safaaraduhu ay basaboorada ku iibiyaan inta u dhexeysa 100 dolar ilaa 350 oo dolar.

Xisaabiyaha guudna wuxuu gudiga intii ay baaritaanada wadeen u sheegay in wali uusan xafiiskiisa daqli ka soo galin safaaradaha dibada nidaam la'aanta soo saarista basaboorada cusub oo ay la socoto farihii laga qaadi jiray oo la joojiayay ayaa waxaa ay labadaasi arimoodba sharafta kaga dileen basaboorka cusub waxayna ka dhigeen basa boorka sida badeecad suuqa lagu kala iibsanayo lana sii iibiyo laguna kala badasho oo kale ayaa warbixinta gudiga lagu yiri.

Gudigu waxaa uu sheegay in basaboorka lagu soo saaro magacyo been abuur ah iyadoo mararka qaarna ay codsiyada soo gudbiyaan saraakiisha sar sare ee dowlada gudigu waxaa uu helay qof soomali ah oo haysta 2 basa boor oo laba aqoonsi oo kala duwana haysta kiisaska qaarkood ayuu gudigu sheegay in lagu ogaaday in masuuliyiinta sar sare ee dowladu ay fara galiyaan xafiis yada laga bixiyo basa boorada si ay ugu cadaadiyaan in ay bixiyaan basa booro diblu maasi ah oo la siiyo dad aan diblu maasiyiin ahayn.

24 kii bishii marso ee sanadkii hore timaan uu bixiyay Sh Shariif Sh Axmed ayaa labo baasaboor oo diblumaasi ah waxaa lagu gudoonsiiya Axmed Nuur Cali Jimcaale iyadoo laga hor imaanayo cunaqabateenta uu soo rogay golaha amaanka oo ay ku jirto mamnuucid safar waxaana uu gudigu sheegay in Axmed Nuur Cali Jimcaale uu madax waynaha ula socdaalay dalka Turkiga.

Gudigaan waxaa uu sidoo kale sheegay in iyadoo la laaluushayo saraakiisha dowlada aan dad aan soomali ahayn ay helaan basaboorka cusub ee soomalia oo ay ka helan gudaha dalka iyo dibada.

Gudigu waxaa uu sheegay in qaar ka tirsan Al shabaab ay awood u heli karaan basabooro ay ku safraan taas oo ka dhigan in basaboorku uu dayac yahay ama ay fara galin sameyaan saraakiisha dowlada ee wax musuqmaasuqday.

Sarkaal horay uga tirsanaa Al shabaab ayaa gudiga u sheegay in afayeenka Al shabaab Cali Dheer uu haysto ilaa 3 basaboor oo labo ka mid ah ay yihiin Diblumaasi midka kalena uu yahay mid gaar ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)