|
Odayaasha Dhaqanka oo Dib-u-eegis ku Sameeyay Dastuurka Cusub
Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Odayaasha Dhaqanka oo Dib-u-eegis ku Sameeyay Dastuurka Cusub
Oday dhaqameedyada ayaa maanta gudbiyay dastuurkii qabya-qoraalka, iyadoo ay la jireen talooyin muhiim ah kuwaas oo gudbin doono ergooyinka qaranka ee ansixinta dastuurka.
Tilaabadan horusocodka ah ayaa waxay timid kadib markii dood waxtar leh laga sameeyay arimaha dastuurka iyo horumarintiisa. Odayaasha dhaqanka ayaa si dibuheshiisiin ku jirto waxay wadada u xaareen geedi socodka qorshaha kala-guurka ee lagu soo dhameystirayo xiliga kumeelgaarka.
Wasiirka arimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta, mudane Cabdiraxman Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweeyay tilaabadan muhiimka ah, “Waan ku faraxsan nahay horumarka la sameeyay. Shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan isbadal, tilaabadan waxay xaqiijineysaa arintaas. Waa inaan wada shaqeynaa si loo helo dibu heshiisiin dhab ah, loona badbaadiyo jiilasha soo socda, dowlad hufan oo shacabka u adeegtana loo hirgaliyo oo ka kooban bulshada qeybaheeda kala duwan.”
Tilaabada xigta qorshaha tubta nabadda ayaa ah mid ay odayaasha dhaqanka ay ku xuli doonaan ergada ka soo qeyb galeysa shirka Ansixinta Dastuurka oo tiradoodu tahay 825. Hadii ay hirgasho, dastuurka wuxuu shaqeyn doonaa inta laga helaayo afti buuxda oo shacabka Soomaaliyeed u codeeyeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|