|
Maamulka Somaliland oo xabsiga xalay ka sii daayay Boqor Buur-madow
Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Somaliland oo xabsiga xalay ka sii daayay Boqor Buur-madow
Kadib markii dhawaan ay ku xukuntay maxakamad ku taal magaalada Hargeysa hal sano oo xabsi ah Boqor ismaan Buur-madow ayaa xalay la sii daayay kadib arkii cafis uu u fidiyay madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud "siilaanyo".
Boqor Buur-Madow ayaa lagu eedeeyay inuu aflagaado qaran u geystay maamulka Somaliland,waxana maxkmada gobolka Hargeysa oo ku riday xukun hal sano ah.
Boqor Ismaan "Boqor Buurmadoe" oo marki la soo daayay kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in laga soo daayo xabisga, isagoo u mahad celiyay dhamaan dadkii gacanta ka geysatay sioi deysmadiisa.
Maxkamada Hargeysa ayaa dhawaan ku xukuntay Boqor Ismaan Buur-madow hal sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu si bareer ah u aflagaadeeyay madaxweyne Siilaanyo, walow xariga Boqorka ay cambaareeyeen waxgardka iyo isimada Soomaaliyeed.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|