Somali News
    Hees  

Ururka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe oo soo dhaweyay eedeynta loo jeediyay madaxda ugu sareysa dalka

Mogadishu Arbaco 18 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ururka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe oo soo dhaweyay eedeynta loo jeediyay madaxda ugu sareysa dalka

Ururka Ahlusuna Wal-jamaaca ee ka arimiya gobolada Dhexe ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hay’ada Monitoring Group oo Q/ midoobay u qaabilsan la socodka arimaha Soomaaliya kuna ee ku deyneysay madaxda ugu sareysa dalka inay lunsdeen malaayiin Doollar.

Gudoomiye ku-xigeenka gudiga fulinta maamulka Ahlusuna Wal-jamaaca gobolada Dhexe Shekh C/laahi Axmed Ilka-case oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee dalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan warbixintaasi ay jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ay ku eedeysay madaxda Soomaaliya inay lunsadeen lacago malaayiin ah oo loogu tala galay qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday Sheekh Ilkacase in lo baahnaa arinkaas,waayo buu yiri waxay tuseysaa shacabka Soomaaliyeed warbixintu in madaxda dowlada KMG ah ay ku kaceen musuqmaasuq ama wax is daba marin iyo weliba ku takri fal hanti qarameed" ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka gudiga fulinta Ahlusuna Wal-jamaaca gobolada Dhexe.

Hadalka Ahlusuna wal-jamaaca gobolada dhexe ayaa waxaa uu imaanayaa kagadaal markii warbixin dheer ay soo saartay hay’ad QM u qaabilsan la socodka arimaha Soomaaliya oo lagu magcaabo Monitoring Group taasoo ku eedeysay madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ay lunsadeen hanti qaran oo gaareysa malaayiin Doollar taa oo la sheegay inay jeebkooda ku shubteen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)