|
Ciidamada dowladda KMG ah oo xalay Howlgal ka sameeyay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose
Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada dowladda KMG ah oo xalay Howlgal ka sameeyay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Howlgal balaaran oo xalay ciidamada Nabadsugida, Booliska iyo Militariga ya ka fuliyeen degmada Afgooye ayaa waxaa lagu soo qabqabtay ku dhawaad 20-ruux oo fafal amni daro ah ka waday degmadaasi.
Mar uu la hadlayay warbaahinta gudoomiye ku-xigeenka dhanka amaanaka ee maamulka gobolka shabeelada hoose Axmed Cumar Mudan ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyay dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay degmad Afgooye.
Waxaa uu tilmaamay gudoomiyaha in raga ay ku soo qabteen howlgalka ay ka tiyrsanyihiin kooxda Al-shabaab,waxaana uu xusay in si degdeg ah maxkamad loo saaridoono.
Dowladda KMG ah ayaa wada qorshooyin ay ku xaqiijinayo amaanka goobihii u danbeeyay ee laga xureeyay kooxda Al-shabaab, waxaana maalmihii u danbeeyay howlgalo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen gobolada shabeelooyinka iyo Banaadir ay ku soo qabqabteen rag fara badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|