Somali News
    Hees  

Wafula Wmunyinyi: "Looma dulqaadan doono kooxaha carqalada ku ah geedi socodka nabada Soomaaliya.."

Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wafula Wmunyinyi: "Looma dulqaadan doono kooxaha carqalada ku ah geedi socodka nabada Soomaaliya.."

Ku-xigeenka wakiilka midowga afrika ee Soomaaliya Wafula Wmunyinyi oo shir jaraa’id maanta warbaahinta u qabtay ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan waqtiga kala guurka ah iyo Amaanka.

Wafula Wmunyinyi ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay inaan loo dulqaadan doonin kooxaha carqalada ku ah geedi socodka nabada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in wasaaradda Gaashaandhigga, Arimaha gudaha iyo hay’adaha ammaanka ay kala hadleen sidii talaabo cad looga qaadi lahaa kooxaha isku daya inay carqaladeeyaan geedi socodka nabada Soomaaliya.

Waxa uu ka hadlay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika Wafula Wmunyinyi howlaha dastuurka,waxa uu tilmaamay in soo xulista ergada ay maraayaan meelgabagabo ah.

Wafulu Wmunyinyi ayaa sheegay in wadanka uu ku jiro xaalad xasaasi ah isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in xil weyn la iska saaro sugidda ammaanka ergada ansixinaysa Dastuurka oo maalinta sabtida ah uu si rasmi ah shirkooda kaga furmayo Muqdisho.

Mar uu soo hadal qaaday ammaanka dalka ayuu sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadgalyada goobahii laga saaray Al-Shabaab si taasi ay usuura gashana wuxuu sheegay in meel wanaagsan ay marayso ciidamada Booliiska AMISOM oo la qorsheeyay inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay qeyb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)