Somali News
    Hees  

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Malaayiin qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin in la gar gaaro

Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Malaayiin qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin in la gar gaaro.

Mark Bowden Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho. Wuxuuna sheegay in weli ay malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in la gar gaaro.

Xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dad badan oo ka barakacaya gobollada Bay iyo Bakool ay gaarayaan dalalka dariska la ah Soomaaliya, wuxuuna sheegay in caalamka looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii dadkaas loo caawini lahaa.

" 2.5 milyan qof ayaa weli u baahan gargaar bani'aadamnimo, iyadoo 1.9 milyan qof oo kalena ay u baahan yihiin in laga kaalmeeyo dhanka wax soo saarka si ay noloshooda u maareeyaan, haddii aysan taasi dhicinna ay dib ugu noqonayaan xaaladihii foosha xumayd," ayuu yiri Mark Bowden oo sheegay in loo baahan yahay 576 milyan oo doollar si loo sii wado caawinta dadka gargaarka u baahan ee ku barakacsan dalka Soomaaliya.

Xiriiriyuhu wuxuu sheegay inaysan baahida gargaar ee Soomaaliya dhamaanay haddii aan si wadajir ah wax looga qaban, wuxuuna dalal ay Turkiga ka mid tahay ka dalbay inay sii wadaan kaalmooyinka ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

"Waa mid adag xaaladda ka jirta Soomaaliya” ayuu yiri Mark Bowden oo sheegay inay socdaan qorshayaal lagu gar gaarayo dadka u baahan inay gargaarka aadamnimo.

Dhanka kale sarkaal ka tirsan hay'adda UNOCHA oo isaguna shirkaas jaraa'id hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay jirto arrin ay walaac ka qabaan oo ah in horjoogayaasha kaamamka ay horjoogsadaan in gargaarku uu gaaro dadkii loogu talogalay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)