Somali News
    Hees  

Danjire Mahiga oo Madaxda sare ee Dowladda KMG ah ugu baaqay inay iska difaacaan eedeymaha ay soo jeediyeen Kooxda Monitoring Group

Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Danjire Mahiga oo Madaxda sare ee Dowladda KMG ah ugu baaqay inay iska difaacaan eedeymaha ay soo jeediyeen Kooxda Monitoring Group

Kadib markii Kooxda la socodka Xayiraadaha saaran Soomaaliya ay dhawaan soo saareen warbixin ay ku shaagayaan in madaxda sar sare ee dowlada ay lunsadeen lacago badan ayaa waxaa ka hadlay arintaasi ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobe ugu qaabilsan arimaha soomaaliya Augustine Mahiga.

Mahiga oo la hadlayay idaacada BBC-da ayaa ugu baaqay madaxda Dowlada KMG ah inay iska difaacaan eedeymahaasi cadeyna la imaaadaan balse aaney ahayn inay afka uun ka beeniyaan.

Mahiga mar uu ka hadlayay sida looga rabo inay madaxda Dowladu u cadeeyaan inaaneyn wax hantiya lusan ayuu sheegay inay la imaadaan cadeeymo muujinaya halka ay ka baxday hantida lagu haysto.

"xaq ayay u leeyihiin inay ka hadlaan iyaga dhankooda waxa lagu haysto oo ay iska difaacaan eedeymaha loo soo jeediyay"ayuu yiri Mahiga

Dhanka kale Augostine mahiga oo u muuqday inuu ku qanacsan yahay eeda madaxda loo soo jeediyay ayaa ka dhawaajiyay in gudigaani eeda soo jeediyay ay yihiin guddi ka madaxbanaan arrimaha Soomaaliya,looguna tala galay inay soo eegaan musuq maasuqa lacageed iyo midka Maamul ee ka jira dhex jira dowlada KMG ah.

Si kastaba madaxweyne Shariif oo ka hadlay ayaa iska fogeeyay waxa ka jira eedeymahaasi isagoona xusay in dowladiisu shaqada ku bilowday deyn islamarkaana gudigaani eedeynta soo jeediyayna ay yihin cadowga Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)