|
Xaflad loogu magac daray tiiraanyo bixin ayna ka qeyb galeen Madaxweyne Shariif iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG ah oo ka dhacday Muqdisho
Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaflad loogu magac daray tiiraanyo bixin ayna ka qeyb galeen Madaxweyne Shariif iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG ah oo ka dhacday Muqdisho
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madax ka tirsan Dowladda ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loogu magac daray tiiraanyo bixin oo maanta lagu qabtay Hotelka City Place ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaasi ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay is cafiyaan isla markaana wixii dhex maray ay ka noqdaan xalay dhalay, waayo buu yiri colaad iyo dagaallo shacabka way ka soo daaleen.
"Shacabka Soomaaliyeed waa inay iska cafiyaan wixii dhex maray, ayna u jeestaan midnimo iyo inay wadajir uga shaqeeyaan danahooda" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in bani'aadamka mar kasta dhaceyso inay wax kala tabtaan, hase yeeshee wuxuu ku booriyay shacabka inay muujiyaan samir iyo dulqaad.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in danaha shacabka Soomaaliyeed ay maanta ugu dhow dahay marka loo eego waxyaabihii ay soo mareen, sidaasi daraadeed ayuu sheegay in loo baahan yahay sidii dalka iyo dadka iminka uga shaqeyn lahaayeen horumarkooda.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda KMG C/Samad Macallim Maxamuud oo munaasabadaasi ka jeediyay khudbad gaaban ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta u tahay mid ay ku naaloonayaan isbedelka ka dhacay dalkooda, taasi oo iyaga qudhooda ay qeyb ka yihiin, wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo inay inta harsan ay dalkooda ku hagaan nabadda iyo amniga.
Madaxda ka soo qeyb galay kulanka loogu magac daray TIIRAANYO BIXIN waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), saraakiil, ciidamada qalabka sida iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah.




















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|