|
Ciyaarta dhaqameedka shirta ee beelaha Banaadiraga ayaalagu qabtay degmada X/weyne daawo sawirada
Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciyaarta dhaqameedka shirta ee beelaha Banaadiraga ayaalagu qabtay degmada X/weyne daawo sawirada
Degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta lagu qabtay ciyaar dhaqameedka la yiraahdo shirta oo sanad walba xiligan oo kale laga dhigi jiray deegaan xeebeedyada ku yaala gobolada Banaadir iyo labada Shabelle.
Dad boqolaal gaaraya oo isugu jira rag wata ulo dhaadheer iyo dharka hidaha iyo dhaqanka iyo waliba haween iyo caruur ayaa galabta isugu soo baxay wadooyinka ciriiriga ah ee degmada X/weyne halkaasoo ay ku soo bandhigeen ciyaarta loo yaqaano shirta, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo kala duwan oo ay ka mid yihiin (Dheeshan dhaxal waaye dhaafi maayee…ninka caado ceeb ka yeelay cimrigiisaas ku cayaaray) iyo kuwo kale oo aad u fara badan.
Dadka isu baxay galabta oo aad uga yaraa kuwii soo bixi jiray xiliyada sida rasmiga ah ciyaartan loo qaban jiray sanad walba ayaa qaar ka mid ah waxgaradka reer banaadirigu waxay sheegeen intii sanado ah ay joojiyeen ciyaarahan caado dhaqameedka ah sababo la xiriira xaaladaha adag ee dalku uu ku sugan yahay.
“Dhalinyaradan galabta iskugu soo baxay X/weyne waa kuwo iska xusuusanaya ciyaartaas oo la qaban jiray sanad walba xiligan oo kale ciyaarta shirtana lama abaabulin sanadkan iyo sanadihii ka horeeyey sidana aad ayey uga balaaran tahay welina kama qaadanin go’aan in dib loo bilaabo xaalada jirta awgeed” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkla banaadiriga oo la yiraahdo malaaq Mahdi.
Ciyaaraha loo yaqaano shirta, badgalka, iyo Istunka ayaa lagu qaban jiray sanad walba magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye xiligan oo kale marka uu bilowdo sanadka loo yaqaano dabshidka waxaana ciyaarahan ay soo jireen muddo ka badan 800 oo sanadood, sida ay sheegeen waxgaradka reer banaadiriga lamana qabanin shantii sanadood ee la soo dhaafay ka dib markii ay saameyn ku yeesheen xaalada ka jirta koonfurta Somalia






w.d dr.ali omar abati binfaghi
email dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|