Somali News
    Hees  

Orodyahanadda kala ah Zamzam Maxamed iyo Maxamed Xasan oo London Gaaray iyagoo matalaya dalka Soomaaliya

Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Orodyahanadda kala ah Zamzam Maxamed iyo Maxamed Xasan oo London Gaaray iyagoo matalaya dalka Soomaaliya

Orodyanada dalka soomaliya uga qeybgalaysa Cayaaraha Olombikada Adduunka ee 27-ka Bishaan ka furmaya Magaalada london ayaa gaaray Magaalada London ee dalka Engiriiska.iyadoo sidiirana loogu soo dhaweeyay Dalka Soomaaliya ayaa waxa cayaaraha Olombiga uga qeybgalaya laba cayaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Zamzam Maxamed ay iyana ordi doonto orodka 800m iyo 1500m.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombiga aanay soo gelin is reebreeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy soo dirsan karaan.

Waxaa iyaguna soo gaaray London cayaartooy hore oo wax ka hoggaaminaya Sport-iga iyo weliba madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirrada.

Halyeyga billadda dahabka ee 1500m, Cabdi Bile Cabdi iyo Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ahaa cayaartooy caan ku ah Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga ayaa ka mid ah cayaartooydii hore ee dhiirri gelinta u sameynaya ciyaaryahanada Soomaaliya matalaya iyo maamulka kooxda.

Madaxda London gaartay waxaa ka mid ah, Sii hayaha Guddoomiyaha Olombigga Durraan Axmed Faarax, iyo Xoghayaha Olombikada Cabdullaahi Axmed Tarambi iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadda Koleyga Cabdicasiis Goodax Barre.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)